4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 4 , 2013
Hoggaamiyeyaasha Muslimiinta Kenya oo Taageeray Go'aankii ay Dawladda Britain ku Mamnuucday Qaadka loo Dhoofiyo
PHOTO | FILE Led by Garissa Branch Supkem Chairman Sheikh Abdullahi Salat, Muslim leaders in Northern Kenya supported the UK decision in locking out Miraa traders and urged the Kenyan government to follow suit.

Axad, August 04, 2013 (HOL) - Qaar kamid ah hogaamiyayaasha muslimiinta dalka Kenya ayaa si cad u taageeray tallaabadii ay dawlada Britain ku mamnuucday qaadka oo lagu tilmaamay in amniga Britain uu wax u dhimayo.

Wasiiradda arrimaha gudaha ee dalkaasi Britain Tharesa May oo go’aankaasi qaadatay ayaa la filayaa inuu dhaqangalo marka la horgeeyo aqalka baarlamaanka ee dalka Britain.

Inkastoo dawlada Kenya oo balaayiin lacag ah ay uga soo xarooto qaadka oo kamid ah meelaha ay lacagta adagi kasoo gasho sannad waliba ay isku dayaysay inay arrinkaas kala hadasho dawlada Britain six al looga gaaro ayaa haddana waddanka Kenya gudihiisa ay kasoo baxayaan codad lagu taageerayo go’aankaas.

Waxaase maalmihii u dambeeyay soo baxayay in qaar ka tirsan xildhibaanada Soomaalida ah ee ku jira baarlamaanka dalka Kenya ay taageero u muujiyeen tallaabada ay qaadatay dawlada Britain.

Waxaana haatan ku soo biiray golaha sare ee ay leeyihiin muslimiinta dalka Kenya oo taageeray in qaadka Britain ay joojiso, iyagoo dawladda Kenyana ugu baaqay inay ku dayato tallaabadaas oo ay qaadka ka mamnuucdo cunidiisa iyo beeritaankiisaba dalka Kenya.

Guddoomiyaha golaha sare ee muslimiinta Kenya ee magaalada Gaarisa Sheikh Cabdullaahi Salaad ayaa sheegay in Britain ay qaaday tallaabo loo baahnaa Kenyana ay mudantahay inay kaga dayato.

Waxaana sheekhu uu sheegay in qaadku u horseeday dhalinyarada deegaanka inay shaqaysan waayaan ayna ku dhaqaaqaan falal aan wanaagsanayn oo mustaqbalkooda wax u dhimaya.

“Qaadku ma ahan oo kaliya daroogo ee wuxuu sababaa burburka qoysaska, caruurta oo iskuulka ka baxda iyo dhalinyarada oo uu ka hor istaago inay shaqaystaan” sidaa waxaa yiri Gudoomiyaha golaha sare ee muslimiinta Kenya ee magaalada Gaarisa Sheikh Cabdullaahi Salaad.

Qiyaas ganacsi oo la sameeyay ayaa muujinaysa in dadka ku nool magaalaga Gaarisa kaliya ay kaga baxdo lacag dhan Sh4.32 billion oo shilinka Kenya ah sannadkii, taasoo dhaawac lixaad leh gaarsiisa dhaqaalaha dadweynaha magaalada Gaarissa oo markii horeba ahaa kan ugu liita marka loo barbar dhigo gobollada kale ee dalka Kenya.

Go’aanka dowladda Britain ay ku joojinayso qaadka oo kala qaybsanaan xagga aragtida ku keenay siyaasiyiinta Kenya iyo dadweynaha caadiga ahba ayaa Todobaadkii lasoo dhaafay waxaa safaaradda Britain ay ku leedahay magaalada Nairobi horteeda dibad baxyo ka sameeyay beeraleyda deegaanka Meru oo qaadku ka baxo, iyagoo ay weheliyaan xildhibaanada deegaankooda iyo waliba duqa magaalada Meru Peter Munya.

Waxaana Peter Munya oo la hadlay warbaahinta uu digniin u diray dawlada Britain isagoo ku hanjabay in xiriirka Kenya iyo Britain uu xumaan doono hadii la dhaqangaliyo go’aanka lagu mamnuucayo qaadka.

Qaadka oo kamid ah mukhaadaraadka ugu awooda badan ee la isticmaalo ayaa haddana dhibaatada ugu wayn ee uu keeno ay tahay wakhtiga faraha badan ee loo fadhiyo, taasoo inta badan keenta in dadka isticmaalaa ay illoobaan danahooda muhiimka ah, dhaxalsiisana qoys burbur, dhaqaale burbur iyo waliba caafimaad darrooyin kale oo ay kamid tahay qabsimada oo xirma iyo ilkaha oo qofka ka dhammaada.

Waxaana qaadka horay tijaabooyin xagga caafimaadka ka qaaday wadamo badan oo reer galbeed ah kuwaasoo markii dambe mamnuucay markii ay ogaadeen halista uu keeni karo nolosha aadamaha.

Soomaalida ayaa kamid ah bulshooyinka ugu qaad cunka badan caalamka, taasoo keentay in looga daba-dhoofiyo wadamada ay u dhoofeen ee Galbeed qaarada Yurub, Waqooyiga America iyo Australia kadib markii ay ka qaxeen dagaalladii sokeeye ee Soomaaliya ka qarxay 1991-kii.

Axmed C/samad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya