4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 4 , 2013
Ururka Samafalka ee SODDIL oo Degmada Luuq ee Gobolka Gedo lacago ugu Qaybiyay Naafada Degmadaasi ku nool (SAWIRRO)


Axad, August 04, 2013(HOL) :- Xilli lagu guda jiro bisha barakaysan ee Ramadaan ayaa dadka naafada ah ee ku nool dagmada Luuq ee Gobolka Gedo ayaa markii ugu horeysay waxaa deeq lacageeed u qeybiyey Ururka Samafalka Wadaniga ah ee Somali Disables Development Innitiative link(SODDIL)ee fadhigiisu uu yahay degmadaasi,xiili naafada ku dhaqan degmadaasi mudooyinkii ugu dambeeyey ay ka cabanayaan xaalad nolol xumo iyo shaqo la,aan.

Gargaarkani lacageed ayaa waxaa ka faa,ideystey dad ka badan ilaa 40 ruux oo naafo ah isuguna jira indhoolayaal, Dhagoolayaal iyo cuuryaamiin rag iyo dumar ka kooban Sida uu Warbaahinta uu u sheegay Cabdi Daahir Aden oo ah ka mid ah Gudiga Naafada Degmada Luuq,isagoona sheegay gargaarka noocani oo kale ah in wax weyn uu ka tarayo nolosha dadka naafada ah .

Carab Xaaji Axmed oo ka mid ah Howlwadeenada Ururka Samafalka SODDIL oo la hadlayey warbaahinta ayaa sheegay gargaarkani lacageed in ay uga go leeyihiin sidii loo Gargaari naafada ku dhaqan luuq oo xilligani ayan jirin meel ay ku tiirsan yihiin,isagoona sheegay naafada ka faa,ideystey gargarkani lacageed in ay gaarayeen ilaa 40 ruux,mid kastaana la siiyey lacag dhan $20Dolar

Goobta Naafada luuq lagu gudoonsiinayey Gargaarka lacageed ayaa waxaa goob joog ka ahaa mas,uuliyiin ka tirsan maamulka degmada Luuq,waxaana halkaasi ka hadley mas,uulyiin uu ka mid yahay Madaxa Xiriirka Hay,adaha Samafalka Gobolka Gedo Ibraahin Aden C/kariin(Kune),isagoona u mahadceliyey Ururka Samafalka SODDIL,deeqda uu soo gaarsiiyey naafada Luuq.

Si kastaba ha ahaatee gargaarkja noocani oo kale ah in wax weyn uu ka tarayaa nolosha dadka naafada ah oo iaygu xilligani ayan jirin meel ay ku tiirsan yihiin.

 

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]   
Kismaayo-Soomaaliya.