4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 4 , 2013
Ra’iisul wasaaraha oo ammaanka Magaalada Muqdisho kala hadlay Wasiirro iyo Taliyayaasha Ciidamada Dowladda (SAWIRRO)


Axad, August 04, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa xalay kulan looga hadlayay ammaanka la yeeshay wasiirro iyo taliyeyaasha ciidamada dowadda, isagoo xalay kormeer ku sameeya isgoysyada magaalada Muqdisho qaarkood.

Kulanka looga hadlay ammaanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa wasiirka cadaaladda iyo arrimaha diinta, wasiirka warfaafinta, isgaarsiinta iyo gaadiidka, wasiir-u-dowlaha arrimaha gudaha, wasiir ku xigeenka difaaca , agaaasimaha guud ee hay’adda nabad-sugidda, guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, taliyeyaasha ciidammada Xoogga iyo booliska  iyo weliba abaan-duulaha ciidanka dalka iyo saraakiil sarsare.

Mudane Saacid oo gabagabadiisii kulanka ka hadlay ayaa ujeedka kulanka ka hadlay, isagoo sheegay in diyaar-garowgii ugu dambeeyay ay dowladdu ku jirto, isla markaana uu soo socdo isbedel badan oo dhinaca ammaanka ah.

Kulanka kaddib ayaa ra’iisul wasaaraha iyo mas’uuliyiintii la socotay waxay kormeer ku sameeyeen 10-isgoys oo ku yaalla meelaha ugu muhiimsan magaalada Muqdisho, si ay u soo arkaan howlgallo ay halkaas ka wadeen ciidammo ka tirsan kuwa dowladda.

Ra’iisul wasaaraha ayaa ku lugeeyay jidka Sodonka ee Muqdisho saqdii dhexe ee xalay, waxaana halkaas ku ciyaarayeen dhallinyaro Soomaaliyeed, iyadoo ra’iisul wasaaruhu uu mid-mid u gacan-qaaday kana xog-wareystay xaaladda ay ku jiraan iyo sida uu yahay ammaankooda.

Meelaha kale ee uu ra’iisul wasaaruhu maray waxaa ka mid ah isgoysyada kala ah: Beexaani, Sanca, Fagax iyo kuwo kale, isagoo isgoysyadaas kula kulmay ciidammo ka tirsan kuwa dowladda oo waday howlgallo amniga lagu sugayo.

Kormeerka ra’iisul wasaaraha ayaa muujinaya sida xukuumadda Soomaaliya ay uga go’an tahay wax-ka-qabashada amniga magaalada Muqdisho, iyadoo ay xukuumaddu waddo qorshayaal lagu adkeynayo ammaanka guud ee dalka.






Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya