6/7/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 3 , 2013
Madaxweynaha Puntland oo eedeyn Kulul u Jeediyay Dowladda Soomaaliya kuna hanjabay inay xiriir u goynayaan

Sabti, August 03, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Puntland, C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa ku eedeyay dowladda Somalia inay jabisay heshiisyo badan oo horay loo gaaray, isagoo ku goodiyay inay xiriirka u jari doonaan.

Faroole oo ka hadlayay xuskii aasaaska Puntland ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay hareer martay xeerar hoosaadyadii dalka iyo qodobbadii lagu heshiiyay, isagoo sidoo kale sheegay in dowladda Soomaaliya ay isku koobtay awoodihii dalka, sida magacaabista safiirrada iyo ka qaybgalka shirarka caalamiga ah.

“Dowladda federaalku waxay si iskeed ah wax ka bedel ugu sameysay dastuurkii dalka, haddii arrintaas laga laaban waayana waan ka fiirsanaynaa xiriirka aan la leennahay, waayo innaga iyo dowladda waxaa naga dhexeeya waa dastuurka,” ayuu madaxweynaha Puntland ku yiri hadalkiisa.

Sidoo kale, Faroole wuxuu sheegay in danjirihii kasoo jeeday Puntland ee u fadhiyay Soomaaliya magaalada Addis Ababa ee xarunta Itoobiya halkaas laga bedelay loona magacaabay cid aan Puntland kasoo jeedin, taasna ay ka mid tahay ku takri-falka awoodeed ee dowladda Soomaaliya.

“Haddii tallaabooyinkan ay sii socdaan Puntland waxay go’aan cad ka qaadan doontaa lasii shaqeynta dowladda federaalka ah,” ayuu Faroole ku hanjabay isagoo xusay in Puntland ay gooni isku taagi karto ayna dhaqaale ahaan isku filan tahay.

Dhanka kale, madaxweynaha Puntland ayaa ugu baaqay Somaliland inay ku ekaato deegaannadeeda oo aysan shidaal ka baari karin deegaan aan ka mid ahayn deegaannadeeda oo ay ku ekaato xuduudaheeda.

Ugu dambeyn, madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in marka ay arkeen siyaasadda dhaqaale ee dowladda federaalka ay Puntland go’aan ku gaari doonto inay lacago gaar ah soo sameysto.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
8/3/2013 7:15 PM EST
Sabti, 03 August 2013(HOL)—Taliska ciidanka booliska gobolka Minnesota gaar ahaan waaxda Metro Transit Police ayaa soo dhaweeyay 2 sarkaal oo Somali-America ah, kuwaas oo ka mid ahaa 19 saarkiil cusub oo shalay loo dhaariyay ka mid noqoshada ciidanka booliska gobolka.

8/3/2013 4:04 PM EST
Sabti, August 03, 2013 (HOL) — Eritrea ayaa sheegtay inay aqoonsan tahay madax-bannaanida dhuleed ee Soomaaliya iyo dowladda uu hoggaaminayo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud; ayna taageerayaan dadaallada ay ku doonayso xasilinta dalkeeda.

8/3/2013 4:03 PM EST
Sabti, August 03, 2013 (HOL) — AMISOM ayaa raallin-gelin ka bixisay darawal Soomaaliyeed oo ay maanta ciidamadoodu ku toogteen illinka hore ee Xalane oo ah xarunta ay AMISOM ka deggen tahay Muqdisho.

8/3/2013 10:09 AM EST
Sabti, August 03, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa soo gaaray magaalada Kampala ee xarunta dalka Uganda si ay uga qayb-galaan shirka dalalka ay ciidamada AMISOM ka joogaan Soomaaliya.

8/3/2013 10:03 AM EST
Sabti, August 03, 2013 (HOL) — Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland, Jen. Cadde Muuse Xirsi ayaa iska fogeeyay eedeyn ku saabsan inuu mas’uul ka ahaa dagaallo ka dhacay Qardho, isagoo ku tilmaamay eedeyntaas mid aanay waxba ka jirin.

8/3/2013 8:29 AM EST
Sabti, August 03, 2013 (HOL) — Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya ayaa dil toogasho ku ah ku xukuntay eedeysane, Aadan Sheekh Cabdi Sheekh Xuseen oo lagu helay in uu dilay 21-kii September, 2012 wariye Xasan Yuusuf Absuge oo ka mid ahaa wariyeyaasha ka howlgala magaalada Muqdisho.

8/3/2013 8:14 AM EST
Sabti, August 03, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaare ku xigeenka Somalia ahna wasiiradda arrimaha dibadda, Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa ugu baaqday dalalka caalamka inay maal-gasho ku sameystaan Soomaaliya, kaddib isbedel dhinaca ammaanka ah oo ka dhacay sida ay ku sheegtay wareysi ay siisay wakaaladda wararka Shiinaha ee Shinwaa.

8/3/2013 7:38 AM EST
Sabti, August 03, 2013 (HOL) — Ugu yaraan afar qof oo dhinacyadii dagaalku u dhexeeyay ah ayaa ku dhintay, tiro kalena way ku dhaawacmeen dagaallo dagaal beeleed ka qarxay maanta deegaanka Baraag-Ciise oo ku taalla koonfurta gobolka Mudug.

8/3/2013 3:50 AM EST
Sabti, August 03, 2013 (HOL) — Afhayeenka ciidamada AMISOM, Col. Cali Aadan Xumad oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay ka shaqeynayaan sidii aanay Muqdisho mar kale uga dhici lahayn qaraxyo lagu dhibaateeyo shacabka Muqdisho.

8/3/2013 2:50 AM EST
Sabti, August 03, 2013 (HOL) — Madaxweeynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Max’uud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta u ambabaxay magaalada Kampala ee dalka Uganda, halkaasoo uu uga qeybgali doono shirka madaxweeynayaasha wadamada ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya.