
Talaado, Abriil 30, 2013 (HOL) — Ciidamada Puntland ayaa maanta duleedka magaalada Boosaaso ku toogtay 13-qof o ay ku jirtay haweeney, kuwaasoo la sheegay inay ka tirsanaayeen Al-shabaab qaarkoodna lagu helay inay ka dambeeyeen dilkii dhamamadkii sannadkii 2011 loogu geystay Boosaaso, Dr. Axmed Sheekh C/raxmaan oo ka mid ahaa culummada Puntland.
Dhallinyarada la toogtay ayaa qaarkood waxay maxkamadda ciidamadu ku ridday xukunno dil ah, iyadoo kuwa kalena al sheegay inaan wax xukunno ah lagu ridin, waxanaa goobta ay toogasho ka dhacday ku sugnaa saraakiil ka tisran kuwa ciidamada Puntland.
Warbaahinta ayaa loo diiday inay goobta tagaan, waxaana ammaanka goobta sugayay ciidammo ka tirsan kuwa milateriga iyo kuwa badda Puntland, iyadoo toogashadu ay ku dhacday si saf-mar ah.
Dadka la toogtay ee lagu eedeeyay inay Al-shabaab ka tirsanaayeen kuwaas oo qirtay inay ka dambeeyeen dilkii Dr. Axmed Sheekh C/raxmaan ayaa kala ahaa:
- Axmed Maxamed Cali oo 18-jir ahaa.
- Maxamed Abshir Cartan oo 20-jir ahaa.
- Cabdiraxmaan Maxamed Cali oo 28-jir ahaa.
- Cabdiqani Nuur Maxamed (Qorane) oo 23-jir ahaa.
- Ruqiyo Xasan Maxamed Yuusuf oo 25-jir ahayd.
- Maxamed Maxamuud Saacadoole oo aan da’diisa la sheegin.
Dad qariyay magacyadooda oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dadkan xalay lagala baxay xabsiga magaalada Boosaaso saakayna si saf-ballaaran ah loogu toogtay duleedka magaalada Boosaaso, waxaana uu dilkan noqonayaa kii ugu ugu horreeyay noociisa oo laga fuliyo Puntland.
Ma jiraan sawirro laga qaaday dadka la dilay, marka laga reebo sawirro laga qaaday dadka lagu helay inay dileen Dr. Sheekh Axmed C/raxmaan xilligii ay maxkamada darajada koowaad ee ciidamada Puntland ay xukunka ku ridday 27-kii Feberaayo sannadkan.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya