4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 30, 2013
Xarakada Al-shabaab oo Ciidammo kusoo Bandhigay Deegaanka Ambaresa ee Gobolka Shabeellada Hoose (SAWIRRO)


Talaado, Abriil 30, 2013 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa ciidammo soo dhameytay tababar kusoo bandhigtay deegaanka Ambareesa ee gobolka Shabeellada, hoose; waxaana ciidamadaas oo dhoola-tus dhigay ay wateen gaadiidka dagaalka iyo hub kala duwan.

Guddoomiyaha Al-shabaab ee gobolka Shabeellada Hoose, Sheekh Maxamed Abuu-Cabdalla oo la hadlay ciidamadan ayaa sheegay in laga doonayo inay ka qaybqaataan dagaallada lagula jiro ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee caawinaya.

“Waxaan rajeynayanaa in maalmaha soo socda aad wacdaro ka dhigtaan goobaha dagaalka oo aad cadowga Alle xanuun gaarsaan. Waxaa la idinka doonayaa inaad dhufeysyada ugu dadadataan cadowga, haddii aad xanuun dareemaysaan iyaguna mid ka daran taas ayay dareemayaan,” ayuu yiri Sheekh Abuu-Cabdalla.

Sidoo kale, wuxuu ciidamadan ku boorriyah inay hubkooda oo keliya isaga difaaci karaan dagaalka ay ku hayaan dhinacyada kasoo horjeeda, isagoo ku daray hadalkiisa in haddii ay baryaan gaalada aysan dhaafayn, balse ay isaga celin karaan oo keliya qoriga ay wataan.

Ciidamadan ayuu sheegay guddoomiyaha gobolka Shabeellada Hoose inay yihiin kuwo loogu talogalay inay burburiyaan saldhigyada ay ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladdu ku leeyihiin deegaannada gobolka Shabeellada Hoose.

Dhanka kale, waxaa ciidamadan la hadlay saraakiil ay ka mid yihiin, Sheekh Cabdullaahi Raabi iyo Sheekh Jaamac C/salaam waxayna labaduba ciidanka lasoo bandhigay ku boorriyeen inay ogaadaan inay yihiin kuwa kaalin weyn ku leh difaacidda diinta Islaamka.

Ugu dambeyn, saraakiishan ayaa waxay ciidamadan ku guubaabiyeen inay noqdaan kuwo is-walaashada maadaama ay ku jiraan dagaal ay kaga horjeedaan waxay ugu yeereen cadow doonaya in dalka iyo diinta uu burburiyo, iyaguna isku arkaan inay yihiin kuwii diinta iyo dal samata-bixin lahaa.

Ma jirin Al-shabaab deegaanno ay qabsatay tan iyo dhammaadkii  sannadkii 2011, balse waxay ka baxayeen deegaanno ay awood badan ku lahaayeen, kaddib markii ay halkaas ku weerareen ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa AMISOM.








Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya