4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 30, 2013
Guddiga dhismaha Masaajidka Qadiimka ah ee Baladxaawo oo Codsadey in laga qayb-qaato dhismaha Masaajidkaas


Talaado, 29 April, 2013(HOL) :- Gudiga Dhismaha Masjidka Khadiim ee Magaalada Baladxaawo ayaa waxay ka warbixiyeen howsha Dhismaha Masjidkaasi oo ay sheegeen in haatan ay marayo wejigii labaad ee dib u dhiska Masjidka oo howshiisa la bilaabay mudo haatan laga joogo ilaa labo Bil,waana Masjid laga doonayo ilaa Labo Dabaq in laga dhigo, iyadoo dabaqii kowaadna la sheegayo in uu marayo meel dhexe.

Masjidka Khadiimiga ah ee ku yaala bartamaha magaalada Baladxaawo oo dhisnaa mudo ka badan ilaa 60 sano, iyadoo ujeedada dhismaha Masjidkuna ay tahay Ballaarin iyo in 2 dabaq la saaro, maadama goobta masjidka uu ku yaalo ay tahay meel suuq ah oo dadkuna ay ku badan yihiin.

Howsha dhismaha Masjidka Khadiim ayaa hergelintiisa waxaa u istaagay Qaar ka mid ah Culima udiinka, qeybaha kala duwan ee Bulshada ku dhaqan degmada Baladxaawo,iyagoona isla meel dhigay in Masjidka dib loo dhiso,islamarkaana la saaro 2 dabaq si uu qaado dad lagu qiyaasay ilaa 4500 oo Qof,taasi oo Seddex lab ka badan tiradii horey ugu tukan jirtey Masjidkaasi oo ahayd ilaa 1200.

Sh.Cabdulaahi Cabdile Aden oo ka mid ah Gudiga Dhismaha Masjidka Khadiimiga ee Baladxaawo oo la hadlayey warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay howsha dhismaha masjidka in ay u socoto sidii loo qorsheeyey,isagoona sheegay dhismaha Masjidka in ay ku bixi doonto lacag dhan $700,000 oo Dolar,waxaana uu tilmaamay lacagtaasi 15% in la yaboohay,halka inta dhimana ay ka sugayaan Qof kasta oo muslim ah in uu ku biiriyo waxii uu sadaqeysan karo.

Sh Cabdulaahi ayaa rajo wanaagsan waxaa uu ka muujiyey sida dadweynaha Baladxaawo ay ugu qeyb qaadanayaan dhismaha masjidka iyo dhaqaalaha ay iska uruurinayaan iyo isagoo dhinaca kalena u mahad celiyey dad muxsiniin ah oo kala jooga Gudaha dalka iyo Dibada oo dhaqaalo ku biiriyey dhismaha Masjidka,kuwaasi oo uu ku amaanay in muruq iyo maalba ay ku bixinayaan.

”Sadaqo markaad bixiso ilaahay wuxuu balanqaadey inuu kuu laban laabayo ilaa 700 oo jeer iyo intii ilaah uu doono ayuu yiri Sh.C/laahi oo ku booriyey dadka Islaamka meel kasta oo ay joogaan in ay ka qeyb qaataan howlaha Taburacaada ah ee lagu dhisayo Masjidka Khadiimiga ee ku yaala Baladxaawo.

Sadaqo waa waxa ugu qiimaha badan mida xitaa marka aad dhimato ka gadaal uu ajarkeeda uu kuu soconayo oo ah sadaqada jaariyada ah sidii Nabigeena( SCW)uu ku sheegay xaddiithka saxiixa ah.

Hadaba gudiga gacanta ku haya dhismaha masjidka waxaa cidii dooneysa inay gacan ka geeysato ay kala xiriiri kartaa cinwaanada hoos ku xusan.

1-Sheekh C/laahi Qaaje 0615851497
2-Sheekh Yaasiin Aadan 0615833204
3-C/nuur Xuseen Xasan 0723838854/0615554589
4-C/rashiid Qudus 0714142078/0615557664
5-C/laahi Sheekh Cismaan 0615568885

Ama Emailkan- [email protected]

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.