3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 30, 2013
Jawaari oo la kulmay ardayda Soomaaliyeed ee Wax-ka-barta dalka Turkiga Isagoo Su'aalo uga Jawaabay (SAWIRRO)


Talaado, Abriil 30, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ku sugan dalka Turkiga ayaa la kulmay ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barta dalkaas, isagoo uga jawaabay su’aalo ay weydiiyeen oo intooda badan ku saabsanaa xaaladda Soomaaliya iyo waxyaabaha dowladda u qabsoomay.

Kulankan oo ka dhacay hool ku yaalla magaalada Ankara ee xarunta Turkiga ayaa waxaa goobjoog ka ahaa xubno ka socda hay’adihii fududeeyay inay ardayda Soomaaliyeed wax-barsaho ka helaan dalka Turkiga.

Xoghayaha koowaad safaaradda Soomaaliya ee dalka Turkiga, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo furitaanka kulanka ka hadlay ayaa tilmaamay in ardayda Soomaaliyeed ee deeqaha waxbarasho ka helay Turkiga ay si aad ah uga faa’iideysanayaan fursadda ay haystaan.

Sidoo kale, Axmed C/raxmaan Jaakad oo ku hadlayay magaca Soomaalida ku nool dalka Turkiga ayaa sheegay in si aad ah ay ula dhacsan yihiin habka ay ku shaqeynayso xilligaan dowladda federaalka Soomaaliya; isagoo dadka Soomaaliyeed ugu baaqay inay dowladda taageeraan.

Guddoomiyaha baarlamaanka oo si rasmi ah u furay kulanka ayaa ka hadlay muhiimadda ay ardaydu u leeyihiin dalka; isagoo tusaale ahaa u soo qaatay in dagaalkii koowaad ee dunida in ardaydii wax ku baranayay London intii uu socday dagaalka laga saaray magaalada si ay waxbarashadooda u sii wataan oo uusan u saameyn dagaalka.

Furitaanka kaddib ayay ardaydu billaabeen inay su’aalo u weeydiiyaan Prof. Jawaari iyo wafdigiisa; waxaana su’aallaha ka mid ahaa qorshaha dowladda ee xilliga soo socda; gaar ahaan baarlamaanka sida qodobbada la xiriira dib u eegista dastuurka dalka, dejinta shuruucda federaalka, sameynta xeerarka maamul-goboleedyada; waxaana ardaydii su’aalaha soo jeediyay ay aad ugu ammaaneen guddoomiyaha iyo wafdigiisa sida uu uga qanciyay su’aalihii ay qabeen.

Prof. Jawaari ayaa mid-mid uga jawaabay dhammaan su’aalihii ay ardaydu weydiiyeen; isagoo ugu dambeyn ardayda ku dhiirrigeliyay inay dib u eegista lagu sameynayo dastuurka talooyin ku yeeshaan, sidoo kalena wuxuu ku boorriyay inay mar walba maanka ku hayaan inay halkan u joogaan sidii ay wax ugu qaban lahaayeen dalkooda, dadkooda iyo diintooda, isla markaana ay yihiin hoggaamiyeyaasha berri.

Xildhibaan Cabduqaadir Cosoble Cail oo ah guddoomiyaha guddiga arrimaha dibadda ee baarlamaanka Soomaaliya oo isaguna ka jawaabayay su’aal uu wafdiga soo hor-dhigay mid ka mid ah ardayda Soomaaliyeed dalka Siiriya wax ka baran jiray, balse ay saameeyeen dagaallada dalkaas ka socda ayaa ayaa tilmaamay in dowladda federaalka Soomaaliya ay muhiimad siin doonto sidii ardayda waxbarashadoodu sameeyeen qul-qulatooyinka ka socda dalal ay Suuriya ka mid tahay ay ugu heli lahaayeen fursado waxbarasho; iyadoo fursadahaas laga siin doono dalalka xasilloon.

Ugu dambeyn, xildhibaanad Luul Cabdi Aadan oo ka mid ah guddiga dastuurka ee baarlamaanka Soomaaliya oo kulanka hadal ka jeedisay ayaa waxay wax aad iyo aad loogu farxo ku tilmaantay sida ay u dadaalayaan ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barta dalka Turkiga; waxaana ay Alle ka bariday inuu ummadda Soomaaliyeed dhibaatada ka dulqaado.

Kulankan ayaa kusoo dhammaaday jawi wanaagsan iyadoo kulanka uu qeyb ka noqonayo kulammo la tashi ah oo uu guddoomiyaha baarlamaanka horay ula yeeshay ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barta dalka dibaddiisa.









Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
4/30/2013 3:04 PM EST
Talaado, Abriil 30, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faraax Shirdoon (Saacid) ayaa munaasabada maalinta shaqaalaha adduunka ee 1-da May, 2013 oo berri ku aaddan wuxuu hambalyo u diray dhammaan shaqaalaha Soomaaliyeed.

4/30/2013 1:32 PM EST
Talaado, April 30, 2013(HOL)—Ururka Tamarta Bariga Afrika oo Kulliyaddii ugu ballaarneyd oo Injineernimo laga barto ka hirgelineysa Soomaaliya Kulliyado lagu barto cilmiga Injineeriyada.

4/30/2013 11:46 AM EST
Talaado, Abriil 30, 2013 (HOL) — Shir lagaga hadlayo sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka ganacsi ee ka dhexeeya Itoobiya iyo Somaliland, ayaa labadii maalmood ee u dambeeyey ka socday magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland.

4/30/2013 10:31 AM EST
Talaado, 29 April, 2013(HOL) :- Gudiga Dhismaha Masjidka Khadiim ee Magaalada Baladxaawo ayaa waxay ka warbixiyeen howsha Dhismaha Masjidkaasi oo ay sheegeen in haatan marayo wejigii labaad ee Dib u dhiska Masjidka oo howshiisa la bilaabay mudo haatan laga joogo ilaa labo Bil,waana Masjid laga doonayo ilaa Labo Dabaq in laga dhigo,iyadoo Dabaqii kowaadna la sheegayo in uu marayo meel dhexe.

4/30/2013 9:21 AM EST
Talaado, Abriil 30, 2013 (HOL) — Saraakiisha ciidamada booliiska maamulka gobollka Hiiraan ayaa ku soo bandhigay maanta magaalada Baladweyne ilaa Afar dhalinyarro ah oo sida ay sheegeen ka soo goosatay ama iska soo dhiibay kooxda Al-shabaab.

4/30/2013 8:33 AM EST
Talaado, Abriil 30, 2013 (HOL) — Ciidamada si gaar ah u tababaran iyo kuwa booliiska Soomaaliya ayaa maanta howgallo ka sameeyay qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho, iyadoo saraakiisha booliiska ay sheegeen in lagu soo qabqabtay dad falal ammaan-darro kawaday Muqdisho.

4/30/2013 6:57 AM EST
Talaado, Abriil 30, 2013 (HOL) — Ciidamada Puntland ayaa maanta duleedka magaalada Boosaaso ku toogtay 13-qof o ay ku jirtay haweeney, kuwaasoo la sheegay inay ka tirsanaayeen Al-shabaab qaarkoodna lagu helay inay ka dambeeyeen dilkii dhamamadkii sannadkii 2011 loogu geystay Boosaaso, Dr. Axmed Sheekh C/raxmaan oo ka mid ahaa culummada Puntland.

4/30/2013 6:25 AM EST
Talaado, 30 April, 2013 (HOL) :- Dagaalyahanno kaitrsan Al-shabaab ayaa xalay fiidkii weerar madaafiic ah kusoo qaaday saldhig ay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ku lahaayeen duleedka garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo.

4/30/2013 1:55 AM EST
Talaado, Abriil 30, 2013 (HOL) — Macluushii Soomaaliya ku dhufatay 2011 ayaa la sheegay inay dishay 260,000 oo qof oo u badan caruur ay dad’oodu ka hoosayso shan sano, waxaana sidoo kale dadka ay dishay macluushaas u badan haween.

4/30/2013 12:57 AM EST
Talaado, Abriil 30, 2013 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa ciidammo soo dhameytay tababar kusoo bandhigtay deegaanka Ambareesa ee gobolka Shabeellada, hoose; waxaana ciidamadaas oo dhoola-tus dhigay ay wateen gaadiidka dagaalka iyo hub kala duwan.

4/30/2013 12:25 AM EST
Talaado, Abriil 30, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) oo wafdi uu hoggaaminayo oo ku sugan dalka Turkiga ayaa la kulmay Isniintii shalay ahayd dhiggiisa iyo sidoo kale madaxweynaha Turkiga, iyadoo guddoomiyuhu uu booqday goobo ku yaalla magaalada Ankara ee xarunta Turkiga.