3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 15, 2013
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH: “Waa nalagu soo War-geliyay Weerarkii Mareykanku uu ku qaaday Degmada Baraawe”

Talaado, Oktoobar 15, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wareysi uu siiyay wargeys wabaahinta caalamka qaarkeed ku sheegay ay ciidamada Mareykanku ku qaadeen toddobaad ka hor degmada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose lagu soo wargeliyay.

Xasan Sheekh ayaa xusay in weerarkaas uu ka mid yahay iskaashiga ay ka leeyihiin Soomaaliya iyo caalamka dagaalka lagula jiro Al-shabaab, isagoo intaas raaciyay in iyaga iyo dowladda Mareykanka ay si dhow ula socdaan isbedellada ka dhacaya goobaha ay Al-shabaab ka taliso.

“Weerarka Baraawe waa nalala socodsiiyay. Wixii dhacayna waa kuwo aan ku faraxsannahay,” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya oo mar kale yiri: “Al-shabaab waa koox dhibaato ku haysa Soomaaliya iyo calaamka, waana lala dagaalamayaa.”

Ciidamada Mareykanka ayaa horraantii bishan weerar ku qaaday degmada Baraawe oo saldhig weyn ay ku leedahay kooxdan, iyagoo beegsaday guri ku yaalla xeebta degmadaas oo ay ku sugnaayeen saraakiil Al-shabaab ka inkastoo lagu guuldarreystay in weerarkaas laga gaaro hadafkii laga lahaa.

Xukuumadda Washington ayaa sheegtay in weerarkaas ay ku beegsanayeen sarkaal lagu magacaabo C/qaadir Maxamed C/qaadir oo ka tirsan ururka Al-shabaab, inkastoo uu sarkaalkaas baxsaday.

“Innaga iyo Mareykanka waan ku heshiinnay howgallada noocan oo kale ah,” ayuu madaxweyne Xasan mar kale yiri. Isagoo xusay in dowladda Somalia ay ku faraxsan tahay in lagu weeraro Al-shabaab meel walba oo ay dalka kaga sugan yihiin.

Siyaasiyiinta reer galbeedka ayaa rumeysan in qorshaha lagu kordhinayo tirada ciidamada AMISOM ay tahay sidii lagu weerari lahaa degmada Baraawe oo ah saldhigga ugu weyn ee Al-shabaab ay ku leedahay Koonfurta Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa wax aan suuro-gal ahayn ku tilmaamay in Al-shabaab ay dib isku abaabulayso, isagoo soo dhaweeyay qorshaha ay ku beegsanayaan dalalka caalamka Al-shabaab. Isgaoo yiri: “Al-shabaab six un ayay waxyeello u gaartay. Qaraxyada ay ka geysanayaan gudaha dalka waa kuwo ay ugu muujinayaan taageerayaashooda inaysan weli dhiman.”

Dhanka kale, madaxweynuhu wuxuu sheegay in weerarrada milateri ee lala beegsanayo Al-shabaab ay yihiin kuwo muhiim ah, balse loo baahan yahay inay noqdaan kuwo laga gaaro hadafka laga leeyahay. Isagoo ku baaqay in caalamku uu gacan ka siiyo dowladdiisa sidii ay ciidamadeeda dib ugu dhisi lahayd markaasoo uu sheegay in Al-shabaab laga adkaan karo.

“Beesha caalamku waxay doonayaan inay Al-shabaab ku ugaarsadaan dalka Soomaaliya gudihisa, balse taasi ma ahan mid suurogal ah. Arrinta keliya ee looga adkaan karo waa in dib loo dhiso ciidamada dowladda Soomaaliya,” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya.

Ugu dambeyn, madaxweynuhu wuxuu sheegay in Al-shabaab oo si wadajir ah loola dagaalamo lagana xiro xuduudaha ay tahay fikrad kale oo lagu soo af-jari karo, isagoo sheegay inuu rajeynayo in Al-shabaab la burburin doono xilli dhow.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
10/15/2013 7:22 PM EST
Sidee looga ciiday maanta munsaabadda Ciidul Adxaa. Daawo sawiro laga soo qaaday magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota.

10/15/2013 12:25 PM EST
Talaado, Oktoobar 15, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamud, guddoomiyaha baarlamaanka, Maxamed Sh. Cusmaan Jawaari iyo ra’iisul wasaaraha xukuumadda, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa maanta munaasabad qado-sharaf ah u sameeyey xildhibaannada golaha shacabka, waxaaba kasoo qaybgalay ra’iisul wasaare ku-xigeenka, xubno ka tirsan golaha wasiirrada iyo xubnaha baarlamaanka.

10/15/2013 12:24 PM EST
Talaado, Oktoobar 15, 2013 (HOL) — Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool iyo degmada Buuhoodle ayaa maanta si wanaagsan looga ciiday, iyadoo ay boqolaal qof ay isugu soo baxeen goobo loo cayiray inay dadku ku tukadaan.

10/15/2013 9:17 AM EST
Talaado, Oktoobar 15, 2013 (HOL) — Wakiilka Midowga Afrika ee arrimaha Soomaaliya Mahamet Salah Anndif iyo wafdi uu hogaaminayo oo uu ka mid yahay taliyaha guud ee ciidamada midowgga Africa AMISOM Jen Andrew Gutti ayaa gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

10/15/2013 9:09 AM EST
Talaado, October 15, 2013(HOL) :- Munaasibadda ciidda barakeeysan ee ciidul Adxa ayaa maanta siweyn looga xusay magaalada Kismaayo, iyadoona kumannaan qof ay isugu soo baxeen fagaareyaal kala duwan oo ku yaal magaalada Kismaayo.

10/15/2013 8:57 AM EST
Talaado, Oktoobar 15, 2013 (HOL) — Munaasabada Ciidul-Adxaa oo ka mid ah munaasabadaha ku weyn quluubta shacabka muslim-ka ah meel kasta oo ay joogaan, ayaa guud ahaanba siweyn looga maamuusay gobollada dalka Soomaaliya.

10/15/2013 4:43 AM EST
Talaado, Oktoobar 15, 2013 (HOL) — Xukuumadda Soomaaliya ayaa rajo wanaagsan ka qabta in kordhinta ciidamada AMISOM ay sabab u noqon karaan in laga adkaado Al-shabaab oo ka talisa deegaanno badan oo ka tirsan Soomaaliya, kuwaasoo ay ku jiraan magaalooyinka muhiim ah oo ay ka mid tahay degmada Baraawe oo 200-km koonfur kaga beegan Muqdisho.

10/15/2013 4:22 AM EST
Talaado, Oktoobar 15, 2013 (HOL) — Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde ayaa mamnuucay in Dad sita E-Passporka Soomaaliya aanay ka gudbi Karin xuduudda u dhexeysa Somaliland iyo Soomaaliya.

10/15/2013 4:13 AM EST
Talaado, Oktoobar 15, 2013 (HOL) — Ugu yaraan laba qof ayaa ku geeriyooday habeen hore, ruux kalana wuu ku dhaawacmay ka dib markii nin la sheegay inuu maskaxda ka xanuunsanayo rasaas oodda kaga qaaday xaflad aroos oo ka dhacaysay miyiga magaaladda Gabiley.

10/15/2013 4:05 AM EST
Talaado, Oktoobar 15, 2013 (HOL) — Waaberigii hore ee saakka, ayaa dadweynaha ku nool goboladda Somaliland ku dareereen garoomadda waaweyn si ay usoo gutaan waajibaadka labadda Ragcadood ee salaadda ciidda.

10/15/2013 3:49 AM EST
Talaado, Oktoobar 15, 2013 (HOL) — Madaxda dowladda Somalia ayaa kula tukaday maanta masaajidka isbahaysiga Islaamka salaaddii ciidul-adxa, iyadoo hadal uu madaxweynuhu ka jeediyay masaajidka uga dalbaday dadka Soomaaliyeed inay isku naxariistaan oo ay is-cafiyaan.