4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 15, 2013
Xukuumadda Somalia oo Rajo ka qabta in Kordhinta Ciidamada AMISOM ay fududeyn doonto in Al-shabaab laga adkaado


Talaado, Oktoobar 15, 2013 (HOL) — Xukuumadda Soomaaliya ayaa rajo wanaagsan ka qabta in kordhinta ciidamada AMISOM ay sabab u noqon karaan in laga adkaado Al-shabaab oo ka talisa deegaanno badan oo ka tirsan Soomaaliya, kuwaasoo ay ku jiraan magaalooyinka muhiim ah oo ay ka mid tahay degmada Baraawe oo 200-km koonfur kaga beegan Muqdisho.

Dowladda Soomaaliya ayaa maamusha Muqdisho iyo deegaanno kale oo ka tirsan dalka sida Kismaayo, kaddib markii ciidamada AMSIOM ay gacan ka siiyeen ciidamada dowladda dagaalka ay kula jiraan Al-shabaab.

Sabtidii lasoo dhaafay ayaa kulan ka dhacay xarunta Midowga Afrika ee Addis Ababa waxaa lagu go’aamiyay in 30% la kordhiyo ciidamada Midowga Afirka ee Soomaaliya ku sugan, tiradoodana laga dhigo 24,000 oo askari si loo xoojiyo dagaallada lagula jiro Al-shabaab.

Golaha ammaanka iyo nabadda Midowga Afrika ayaa waddamada Afrika ka dalbady inay muddo 18 illaa 24 bilood gudahood ah ay u diraan Soomaaliya ciidammo tiradoodu gaarayso 6,235 askari oo isugu jira booliis iyo milateri si ay gacanta uga geystaan dagaallada lagu doonayo soo celinta nabadda Soomaaliya.

Ciidamada Midowga Afrika ee ku sugan Somalia ayaa waxay ka kala socdaan dalalka Uganda, Burundi, Kenya, Jabuuti iyo Sierra Leone, waxaa sidoo kale ku sugan Soomaaliya ciidammo ka socda Itoobiya oo si iskood ah dowladda Soomaaliya gacan uga siiya dagaalka lagula jiro Al-shabaab.

Tallaabadan ay Midowga Afrika ku kordhinayaan ciidamadooda ayaa waxay kusoo beegmaysaa kaddib markii ay Al-shabaab weerartay dhisme ganacsi oo ku yaalla magaalada Nairobi, halkaasoo ay ku dhinteen 67-qof.

Dowladda Soomaaliya ayaa waxay dhowr jeer oo hore ka dalbatay caalamka in gacan laga siiyo dagaalka ay kula jirto Al-shabaab, iyadoo sheegtay inay Al-shabaab tahay kooxo argagaxiso oo caalami ah.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya