4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 15, 2013
Madaxda Dowladda Somalia oo Boqolaal Muslimiin ah kula Tukaday Maanta Masaajidka Isbahaysiga Islaamka (SAWIRRO)


Talaado, Oktoobar 15, 2013 (HOL) — Madaxda dowladda Soomaaliya ayaa kula tukaday maanta masaajidka isbahaysiga Islaamka salaaddii ciidul-adxa, iyadoo hadal uu madaxweynuhu ka jeediyay masaajidka uga dalbaday dadka Soomaaliyeed inay isku naxariistaan oo ay is-cafiyaan.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay shacabka inay ka shaqeeyaan sidii nabad loogu soo dabbaali lahaa dalka. Isagoo xusay in Qaranimada aan lagu gaari karin tafaraaruq iyo kala daadsanaan.

“Ciiddan ciiddeeda waxaan shacabka Soomaaliyeed u rajeynayaa inay nabad ku ciidaan, waxaana ku boorrinayaa in si wadajir ah looga shaqeeyo nabada dalka,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynuhu wuxuu intaas ku daray in nabadda dalka ay ku xiran tahay dadka Soomaaliyeed, isagoo sheegay in haddii aan nabadda aan si wadajir ah looga  shaqeyn aysan soo laaban karin.

DAAWO SAWIRRO BADAN:

“Shacabka Soomaaliyeed waxaan kula dardaarmayaa inay is-cafiyaan oo ay niyadda isku furan, waayo maanta waxaa billowday maalmo farxsadeed oo Islaamka muhiimad gaar ah u leh,” ayuu madaxweynuhu ku yiri hadal uu ka jeediyay masaajidka isbahaysiga Islaamka.

Intaas kaddib waxaa isaguna hadlay wasiirka warfaafinta Somalia, C/llaahi Ciilmooge Xirsi isagoo sheegay in shacabka looga baahan yahay inay kala shaqeeyaan ciidamada ammaanka sidii nabadda loo adkeyn lahaa, isagoo ka digay in shacabku ay caawiyaan kooxaha nabadda-diiddan.

Dhanka kale, dadkii isbahaysiga Islaamka kula tukaday madaxda dowladda ayaa waxaa ka mid ahaa shaqaalaha Turkiga ah ee ku sugan Soomaaliya, iyagoo qaarkood oo warbaahinta la hadlay ay sheegeen inay si aad ah ugu faraxsan yihiin inay shacabka Soomaaliyeed la ciidaan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya