Axad, Jannaayo 13, 2013 (HOL) — Dowladda Soomaaliya ayaa waxay si dhaqso ah u sii dayso wariye iyo laba qof oo u xiran, kuwaasoo lala xiriirinayo kufsi ay ciidamada dowladdu u geysteen haweeney rayid ah.
Booliiska Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho ku xiray wariye Cabdicasiis Cabdinuur Ibraahim oo ka mid ahaa wariyeyaasha ka howlgala magaalada Muqdisho, isagoo xabsiga ku jira tan iyo 10-kii bishan iyadoo aan wax su’aalo la weydiin.
“Ciidamada booliiska Soomaaliya waxay wariye u xireen arrimo la xiriira haweeney sheegtay in la kufsaday oo uu warbixin ka sameeyay, iyadoo ciidamadii lagu eedeeyay inay kufsiga sameeyeenna ay baxsadeen,” ayuu yiri Daniel Bekele oo ah madaxa Afrika ee hay’adda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch.
Daniel wuxuu hadaliisa ku daray: “Dowladda cusub ee Soomaaliya waxaa laga doonayaa inay xaqiijiso dhibaatooyinka ay ciidamadeeda booliisku geysanayaan oo aysan la safan ciidamada dhibaatada geysanaya.”
Hay’addu waxay sheegtay in xariga wariyuhu uu yimid kaddib markii CID-du ay soo xireen 10-kii bishan haweeneyda sheegtay inay kufsadeen ciidamada dowladda, uuna taliyaha laantaas Jen. Cabdullaahi Xasan Bariise si sharciga ka baxsan ugu khasbay inay u sheegto taleefoonnada wariyeyaasha wareysiga ka qaaday, sidaasna lagu xiray wariye Ibraahim.
“Haweeneydii dhibbanaha ahayd waxaa xabsiga laga sii daayay 11-kii bishan kaddib markii ninkeeda uu tagay xasbiga uuna bedelkeedii uu isagu xabsiga galay, sida laga soo xigtay ilo wareedyo lagu kalsoon yahay,” ayay hay’addu ku sheegtay warbixinta ay soo saartay maanta oo Axad ah.
CID-da ayaa sidoo kale hay’addu sheegtay inay su’aalo weydiisay suxufiyiin kale oo ay ka mid yihiin: Cumar Faaruuq oo u shaqeeya Al-Jazeera iyo C/casiis Maxamed Diiriye oo ka howlgala idaacad ku taalla Muqdisho, kuwaas oo habeen ku xirnaa xarunta dambi-baarista booliiska Soomaaliya. Sidoo kale waxaa la wareystay haweeney ka tirsan hay’adaha u dooda haweenka la kursado oo arrintan lala xiriiriyay.
Dhacdadan ayaa waxay imaanaysaa iyadoo madaxweynaha Soomalaiya uu sheegay bishii November ee sannadkii hore in askarigii lagu helo kufsi uu xukunkiisu noqon doono dil toogasho.
“Aamusinta dhibbanayaasha iyo wariyeyaasha ma ahan mid dhameyn karta xadgudubyada galmada sharci-darrada ah; balse waxaa lagu joojin karaa in la taageero go’aannada dowladda ee lagu xisaabtamayo kuwa dambiyada gala,” ayuu yiri Bekele.
Ugu dambeyn, sarkaalka HRW ee Afrika wuxuu madaxweynaha Soomaaliya ugu baaqay inuu ka dhabeeyo ballanqaadyadii ahaa in la xakmeyn doono dhibaatooyinka ay ciidamadu geysanayaan, isagoo niyada ku haynaya in falkan uu niyad-jab ku keenayo wariyeyaasha in wariyeyaashu ay warbixinno ka sameeyaan dhibaatooyinka ay geysanayaan ciidamada dowladda.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Hay’adda Xuquuqda Aadanaha HRW oo dowladda Soomaaliya ugu baaqday in ay sii dayso Wariye iyo laba qof oo u xiran
More News
- Saraakiil ka tirsan Nabad-sugidda Somalia oo sheegay inuu dhintay Sarkaalkii Faransiiska ahaa ee u afduubnaa Al-shabaab
- Xarun lagu tababarayo in lagu tababaro Shaqaalaha laanta Socdaalka oo lagu kordhiyay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho
- Dowladda Soomaaliya oo Cambaareysay Weerarkii ay Ciidamada Faransiisku ka furliyeen Deegaanka Buulo-Mareer
- Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya oo safarkiisii ugu horeeyay Maanta ugu Ambabaxay Dalka Mareykanka
- Maamulka Gobolka Banaadir oo gacan ka helaya Booliiska Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo burburiyay Xarumo Ganacsi
- Dowladda France oo sheegtay in ay Adkeyneyso Ammaanka Dalkeeda
- Guddoomiyihii Bankiga dhexe ee Jabuuti ee ku geeriyooday Nairobi oo Aas Qaran loogu sameeyey Jabuuti
- Somaliland oo shuruud ku xirtay sii socoshada Wadahadallada Xal-doonka ah ee ay kula jirto Dowladd Soomaaliya
- Al-shabaab oo ku Adkeysanaysa inay Weli Hayso Sarkaalkii Faransiiska ahaa oo nool ayna go'aan ka gaari doonto
- Munaasabado lagu xusayay Aasaaskii Maamulka Khaatumo oo lagu qabtay deegaannada uu maamulkaas ka taliyo [SAWIRRO]
- Madaxweynaha Puntland oo Magaalada Boosaso kulan kula yeeshay Ururada Dhallinyarada ee Gobolka Bari