Axad, Jannaayo 13, 2013 (HOL) — Maamulka gobolka Banaadir oo gacan ka helaya booliiska Soomaaliya iyo booliiska AMISOM ayaa burburiyay maanta goobo ganacsi oo ku yaalla degmada Xamar-weyne, kuwaasoo la sheegay inay ahaayeen kuwo ku yaalla meelo sharci-darro ah.
Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir, Maxamed Yuusuf ayaa sheegay in dadka goobahan ganacsi leh horay loogu digay, loona sheegay inay halkaas ka guuraan, maatana ay tahay maalintii ugu dambeysay ee loo qabtay.
“Goobaha la burburiyay waxay gaarayaa 1,000 illaa 1500 oo goobood oo ku yaallay hareeraha waddooyinka, dhowr jeer oo hore ayaana digniin lagu siiyay inay ka guuraan goobahaas,” ayuu yiri guddoomiyaha degmada Xamar-weyne C/llaahi Sahal Gardhuub oo saxaafadda la hadlay howgalka kaddib.
Booliiska iskaashanaya iyo xubno ka socda maamulka gobolka Banaadir ayaa si wadajir ah u fujinayay sandaqadaha, iyadoo ganacsataduna ay sheegin in hanti badan ay uga dhuntay intii uu howgalku socday.
“Dowladda waxaan ka doonayaa inay meel i dejiso, waayo halkaan waxaan ku ganacsanayay muddo labaatan sano ku dhow, mana ahayn in goobteena gancsi la fujiyo iyadoo aan meel kale naloo hayn,” ayay ku qaylinaysay mid ka mid ah haweenkii goobaha ganacsiga laga fujiyay.
Ganacsiga degmada Xamar-weyne ayaa xoogeystay kaddib markii suuqa Bakaaraha uu ku xirnay sannadkii 2010 dagaalladii u dhexeeyay ciidamada dowladda Soomaaliya oo gacan ka helaya AMISOM iyo xoogagga Al-shabaab.
Mas’uuliyiinta maamulka gobolka Banaadir iyo kuwa degmada Xamar-weyne ayaa soo dhaweeyay howgalka lagu burburiyay goobaha ganacsi ee ay ku sheegeen inay yihiin kuwo sharci-darro ah.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Maamulka Gobolka Banaadir oo gacan ka helaya Booliiska Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo burburiyay Xarumo Ganacsi
More News
- Saraakiil ka tirsan Nabad-sugidda Somalia oo sheegay inuu dhintay Sarkaalkii Faransiiska ahaa ee u afduubnaa Al-shabaab
- Xarun lagu tababarayo in lagu tababaro Shaqaalaha laanta Socdaalka oo lagu kordhiyay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho
- Dowladda Soomaaliya oo Cambaareysay Weerarkii ay Ciidamada Faransiisku ka furliyeen Deegaanka Buulo-Mareer
- Hay’adda Xuquuqda Aadanaha HRW oo dowladda Soomaaliya ugu baaqday in ay sii dayso Wariye iyo laba qof oo u xiran
- Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya oo safarkiisii ugu horeeyay Maanta ugu Ambabaxay Dalka Mareykanka
- Dowladda France oo sheegtay in ay Adkeyneyso Ammaanka Dalkeeda
- Guddoomiyihii Bankiga dhexe ee Jabuuti ee ku geeriyooday Nairobi oo Aas Qaran loogu sameeyey Jabuuti
- Somaliland oo shuruud ku xirtay sii socoshada Wadahadallada Xal-doonka ah ee ay kula jirto Dowladd Soomaaliya
- Al-shabaab oo ku Adkeysanaysa inay Weli Hayso Sarkaalkii Faransiiska ahaa oo nool ayna go'aan ka gaari doonto
- Munaasabado lagu xusayay Aasaaskii Maamulka Khaatumo oo lagu qabtay deegaannada uu maamulkaas ka taliyo [SAWIRRO]
- Madaxweynaha Puntland oo Magaalada Boosaso kulan kula yeeshay Ururada Dhallinyarada ee Gobolka Bari