Axad, Jannaayo 13, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta safarkiisii ugu horreeyay ugu ambabaxay dalka Mareykanka, waxaana safarkan ku wehliya, ra’iisul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibadda, Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan iyo la taliya-yaashiisa gaarka ah.
Warsaxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in madaxweynaha Soomaaliya uu la kulmi doono madax sar-sare oo ka tirsan dowladda Maraykanka, uuna kala hadli doona sidii loo taageeri lahaa dowladda Soomaaliya.
“Boqashadan waa mid muujinaysa sida ay uga go’an tahay madaxweynaha Soomaaliy adkeeynta xiriirka Soomaaliya la leedahay dalka Maraykanka,” ayaa lagu yiri warsaxafadeeka madaxtooyada kasoo baxay.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa safarro ku tagay dalalka geeska Afrika iyo dalka Turkiga oo ku yaalla Yurub, isagoo dhammaan dalalkaas lasoo saxiixday heshiisyo ku aadan horumarinta amniga Soomaailya.
“Si loo hubiyo horumarka la gaaray iyo inaan dib loogu laaban bur-burkii uu dalku soo maray ayuu madaweynaha wuxuu diiradda saaray in la adkeeyo xiriirka Soomaaliya ay la leedahay caalamka, si looga gudbo caqabadaha hor-taagan amniga iyo horumarka ka jira Soomaaliya,” ayaa lagu yiri warka kosoo baxay madaxtooyada.
Madaxweynaha Soomaaliya oo loo doortay xilkan 10-kii bishii Setember ee sannadkii hore ayaa wuxuu safarkiisan noqonayaa kii 10-aad oo uu dalka dibaddiisa ugu ambabaxo, iyadoo weli ammaanka dalka uu yahay mid aan la isku halleyn karin.
Ugu dambeyn, waxaa warsaxaafadeedka lagu sheegay in madaxweynaha uu kala hadli doonaa dowladda Maraykanka amniga iyo horumarka oo kaalinta koowaad kaga jira lixda qodob ee uu madaxweyne Xasan Sheekh u dajiyay inay dowladdiisa ku shaqeyso afarta sano ee soo socota.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya oo safarkiisii ugu horeeyay Maanta ugu Ambabaxay Dalka Mareykanka
More News
- Saraakiil ka tirsan Nabad-sugidda Somalia oo sheegay inuu dhintay Sarkaalkii Faransiiska ahaa ee u afduubnaa Al-shabaab
- Xarun lagu tababarayo in lagu tababaro Shaqaalaha laanta Socdaalka oo lagu kordhiyay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho
- Dowladda Soomaaliya oo Cambaareysay Weerarkii ay Ciidamada Faransiisku ka furliyeen Deegaanka Buulo-Mareer
- Hay’adda Xuquuqda Aadanaha HRW oo dowladda Soomaaliya ugu baaqday in ay sii dayso Wariye iyo laba qof oo u xiran
- Maamulka Gobolka Banaadir oo gacan ka helaya Booliiska Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo burburiyay Xarumo Ganacsi
- Dowladda France oo sheegtay in ay Adkeyneyso Ammaanka Dalkeeda
- Guddoomiyihii Bankiga dhexe ee Jabuuti ee ku geeriyooday Nairobi oo Aas Qaran loogu sameeyey Jabuuti
- Somaliland oo shuruud ku xirtay sii socoshada Wadahadallada Xal-doonka ah ee ay kula jirto Dowladd Soomaaliya
- Al-shabaab oo ku Adkeysanaysa inay Weli Hayso Sarkaalkii Faransiiska ahaa oo nool ayna go'aan ka gaari doonto
- Munaasabado lagu xusayay Aasaaskii Maamulka Khaatumo oo lagu qabtay deegaannada uu maamulkaas ka taliyo [SAWIRRO]
- Madaxweynaha Puntland oo Magaalada Boosaso kulan kula yeeshay Ururada Dhallinyarada ee Gobolka Bari