Axad, Jannaayo 13, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Puntland iyo mas'uuliyiin kale oo ka tirsan golihiisa wasiirada ayaa xarunta madaxtooyada ee magaalada Boosaaso kulan kula qaatay xubno ka socdey ururada dhalinyarada ee gobolka Bari.
Kullanka oo ahaa mid in muddo ah qaatay waxaa waxyaabihii ugu waaweynaa ee looga wada hadlay kamid ahaa: xoojinta ammaanka iyo dar-dar gelinnta geedi socodka dimuqraadiyadda ee Puntland.
Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Faroole oo ugu horeyn goobta ka hadlay ayaa sheegay in dhalinyaradu ay yihiin laf-dhabarta ummad walba, islamarkaana ay lagama maarmaan tahay in ay dowladdu taageero fiican ka hesho.
Wuxuuna intaas raaciyey in nidaamka axsaabtu uusan marna hirgeli karin hadii la waayo kaalinta dhalinyarada: "Sanadkani waa sanadkii dhalinyarada, howsha hadda socota ee geedi socodka dimuqraadiyadda iyo hanaanka axsaabta badan waa lagama maarmaan in ay dhalinyaradu ka qayb qaataan, si taabbo gal looga dhigo"
Ugu danbeyntii wuxuu madaxweynuhu u ballan qaaday da'yarta Puntland, gaar ahaan kuwa gobolka Bari in dowladdu ay sanadkan qorsheysay sidii dhalinyarada shaqooyin badan loogu abuuri lahaa, iyadoo ay jiraan tobanaan shaqo oo ay xiligan dowladdu soo bandhigtay.
Wasiirka amniga Puntland Col. Khaliif Ciise Mudan oo isna madasha ka hadlay, ayaa ku dheeraaday sugidda ammaanka iyo doorka ay dhalinyaradu ku yeelan karaan.
Wuxuuna tilmaamay in dhalinyaradu ay yihiin xubin firfircoon oo bulshada ka mid ah, sidaas darteedna ay tahay in kartidooda looga faa'iideysto dhinaca wanaagsan, si uu dalku horumar dhan walba ah u gaaro.
Madaxwenaha Puntland oo weli ku sugan xarunta ganacsiga Puntland ee Boosaaso ayaa dhowrkii todobaad ee lasoo dhaafay kulammo la lahaa qaybaha kala duwan ee bulshada.
Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya
Madaxweynaha Puntland oo Magaalada Boosaso kulan kula yeeshay Ururada Dhallinyarada ee Gobolka Bari
More News
- Saraakiil ka tirsan Nabad-sugidda Somalia oo sheegay inuu dhintay Sarkaalkii Faransiiska ahaa ee u afduubnaa Al-shabaab
- Xarun lagu tababarayo in lagu tababaro Shaqaalaha laanta Socdaalka oo lagu kordhiyay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho
- Dowladda Soomaaliya oo Cambaareysay Weerarkii ay Ciidamada Faransiisku ka furliyeen Deegaanka Buulo-Mareer
- Hay’adda Xuquuqda Aadanaha HRW oo dowladda Soomaaliya ugu baaqday in ay sii dayso Wariye iyo laba qof oo u xiran
- Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya oo safarkiisii ugu horeeyay Maanta ugu Ambabaxay Dalka Mareykanka
- Maamulka Gobolka Banaadir oo gacan ka helaya Booliiska Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo burburiyay Xarumo Ganacsi
- Dowladda France oo sheegtay in ay Adkeyneyso Ammaanka Dalkeeda
- Guddoomiyihii Bankiga dhexe ee Jabuuti ee ku geeriyooday Nairobi oo Aas Qaran loogu sameeyey Jabuuti
- Somaliland oo shuruud ku xirtay sii socoshada Wadahadallada Xal-doonka ah ee ay kula jirto Dowladd Soomaaliya
- Al-shabaab oo ku Adkeysanaysa inay Weli Hayso Sarkaalkii Faransiiska ahaa oo nool ayna go'aan ka gaari doonto
- Munaasabado lagu xusayay Aasaaskii Maamulka Khaatumo oo lagu qabtay deegaannada uu maamulkaas ka taliyo [SAWIRRO]