4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 7 , 2013
Golaha Salaaddiinta Soomaaliyeed oo Guddoon cusub yeeshay kaddib markii ay doorasho ka dhacday Muqdisho [SAWIRRO]


Khamiis, Feberaayo 07, 2013 (HOL) — Xaflad ballaaran oo lagu caleemo saarayay guddoon cusub oo uu yeesho golaha salaaddiinta, dib u heshiisiinta iyo wacyi-gelinta Soomaaliyeed oo ay ku mideysan yihiin odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ayaa maanta looga dhawaaqay Hotel City Palace ee magaalada Muqdisho.

Xafladan lagu soo bandhigayay golaha salaadiinta ee Somalia Assembly  Sultans Reconciliation & Awerning (SASRA) ayaa waxaa kasoo qayb-galay mas'uuliyiin aad u tira badan oo isugu jira boqorro, salaaddiin, nabaddoono, xildhibaanno iyo siyaasiyiin caalami ah sida xubno ka socday dalka Iiraan iyo urur goboleedka IGAD  si ay goobjoog ugu ahaadaan caleema saarka mas'uuliyiinta golaha salaaddiinta, dib u heshiisiinta iyo wacyi-gelinta Soomaaliyeed.

Guddiga qaban-qaabada oo in badan ku howlnaa dhismaha golaha iyo isku keenista salaaddiinta Soomaaliyeed ayaa dadkii kulanka kasoo qayb-galay waxaa kusoo dhaweeyay Kamaal Salaad Xasan oo ah guddoomiyaha gudiga qaban-qaabada isagoo yiri: "Waxaan idinkaga mahad-celineynaa aqbilaadiina oo aad soo xaadirteen xafladan caleemo saarka guddoomiyaha golaha salaadiinta Soomaaliyeed oo loo doortay inuu hoggaamiyo golahan, Inj. Faarax Cabdi Guure."

Suldaan Cali Suldaan Axmed Nuur oo goobta ka hadlay ayaa yore: "Golaha salaadiinta Soomaaliyeed ma ahan mid shaqsiyad ku saleysan iyo qabiil gaar ah; waxaana guddoomiye u doorannay inuu na hoggaamiyo boqorkan aqoon leh, deeqsina ah."

Xafladdan oo aan loo kala harin dhanka oday dhaqmeedyada Soomaaliyeed oo ay ka mid ahaayeen kuwii soo dhisay baarlamaanka Soomaaliyeed, iyadoo dadkii ka hadlay uu ka mid ahaa Suladaan Eekow oo isaguna yiri: "Waxaan helnay madax-bannaani markii aan soo dhisnay dowladda rasmiga ah, taageerada Obama iyo tan caalamka waxaan ku helnay markii dowladdu ay iska tuurtay awood-qaybsigii ku saleysnaa 4.5 halka haweenkana loo dhiibay xilka ra'iisul wasaare ku xigeenka. golahanna waxaan guddoomiye ugu doorrannay boqor Inj. Faarax."

Ugaas Xuseen Jilicow oo ka hadlay garab istaagga golaha salaaddiinta Soomaaliyeed ayaa ugu baaqay boqorka la doortay inuu kusoo dhawaado xilka loo doortay, sidoo kalena aan loo baahnayn inuu wixii horay loo soo maray aanu dib u eegin.

Sidoo kale, Jamaal Xaaji Axmed Ibraahim oo ka socday IGAD ayaa hadallo meelo badan taabanayay ka hadlay sida dib u heshiisiinta, nabaddeynta iyo taageeridda geeddi socodka nabadda, isagoo sheegay in IGAD ay taageerto cid walba oo wadda dib u heshiisiinta iyo nabadeyn.

Ugu dambeyn, waxaa ka hadlay kulanka boqorka la caleemo saaray, ayaa codsaday inaysan keligiis ku deyn howsha baaxadda weyn ee loo igmaday iyo hoggaanka loo doortay.

Waa markii ugu horreysay oo ay ku midoobeen salaaddiinta Soomaaliyeed meelna isugu yimaadaan iyagoo dooranaya  hoggaan ay raalli isaga yihiin. Xiritaanka xafladda waxaa Aayado Qur’aanka Kariimka ah kusoo xiray Sheekh u dhashay dalka Iiraan oo xafladda kasoo qaybgalay.




Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya