4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 7 , 2013
Shirkii Ururka Islaamka oo lagu soo gabgabeeyay Qaahira iyo Madaxweynaha Soomaaliya oo khudbad ka jeediyay


Khamiis, Feberaayo 07, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qudbad ka jeediyay shirka ururka Islaamka (OIC) oo Qaahira maanta lagu soo gaba-gabeeyay.

Madaxweynaha ayaa khudbadii uu jeediyay uga mahad-celiyay dhammaan dalalka Islaamka taageerada ay siiyaan ummadda Soomaaliyeed. Mar uu ka hadlay xaaladda Soomaaliya ayuu madaxweyne Xasan Sheekh sheegay in Soomaaliya ay sidii hore ka fiican tahay laakiin howl badan weli qabyo tahay, dhinaca amnigana horumar la taaban karo laga gaaray sida burcadbadeeddii iyo kooxda Al-Shabaab oo uu sheegay in awoodeedii hoos loo riday.

Ka qaybgalka shirka ayaa waxaa madaxweynaha ku wehliyay ra’iisul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arimahha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah, Fawziyo Yuusuf Aadan, wasiir u dowlaha madaxtooyadda, Faarax Sheekh Cabdulqaadir iyo wasiir u dowlaha wasaaraddaa arrimaha dibadda, Maxamed Nuur Gacal.

Ugu dambeyn, madaxweynaha iyo wafdiga uu hoggaaminayay waxay kulammo gaar ah la qaateen dalal kale oo ay ka mid yihiin isku tagga Imaraadka Carabta (UAE) Cumaan iyo dalal kale oo ka tirsan ururkan, iyagoo ka wadahadlay sidii xiriirka Soomaaliya iyo dalalkaas loo xoojin lahaa.

Shirkan oo socday labadii maalmood ee lasoo dhaafay ayaa diiradda lagu saaray arrimaha Maali, Suuriya, Soomaaliya iyo colaadda u dhexeysa Falastiin iyo Yuhuudda, waxaana shirka lagu taageeray dagaalyahannada kasoo horjeeda dowaldda Siiriya.

Dhanka kale, waxaa xilka xoghayaha guud ee ururka Islaamka laga qaaday Kamaalu-ddiin Ixsaan Oogle oo muddo dheer xukumayay, iyadoo loo doortay mas’uul cusub.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya