4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 7 , 2013
Golaha Wasiirrada Somalia oo kulan ay Muqdisho ku yeesheen ku ammaanay Ciidamada ka socda Jabuuti (SAWIRRO)


Khamiis, Feberaayo 07, 2013 (HOL) — Golaha wasiirrada xukuumadda Soomaaliya ayaa shirkoodii maanta uga hadlay qodbo dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen warbixin la xariirta safarka ra’iisal wasaaruhu ku shalay ku tagay magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, dib u eegis lagu sameeyey guddiga shaqaalaha rayidka iyo erey bixin cusub oo loo sameeyey dhismaha maamulada gobollada dalka.

Kulankan oo uu shir-gudoominayay ra’iisul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon ayaa waxaa markii lasoo gabgabeeyay la hadlay saxaafadda wasiirka warfaafinta, isgaarsiinta iyo gaadiidka, Cabdullaahi Ciilmooge Xirsi, isagoo faahfaahiyay natiijadii kasoo baxay kulanka.

Wasiirka ayaa xusay in la falanqeeyay doorka ciidamada ka socda dalka Jabuuti ee qaybtana ka ah AMISOM ay ka qaadanayaan tababarka la siinayo ciidamada dowladda Soomaaliya ee ka howgala Baladweyne. Isagoo intaas ku daray in ammaan ballaaran loosoo jeediyay kaalinta ciidamada Jabuuti, isagoo xusay inay muujiyeen walaaltinimada ay dowladda Jabuuti u hayso Soomaaliya.

“Runtii kalsooni weyn ayay gelisay ciidamada dowladdeenna sida ay ku jirto walaalnimada ee ciidamada Jabuuti ay uga howlgalayaan Baladweyne iyo kaalinta mugga leh ee ay ka qaadanayaan howlaha lagu sugayo ammaanka, laguna soo celinayo sharciga iyo kala dambeynta,” ayuu yiri Ciilmooge.

Sidoo kale, wasiirku wuxuu sheegay in golaha wasiirradu ay go’aamiyeen in wasaaradda maaliyadda ay billowdo qaadista canshuurta laga gooynayo mushaaraadka shaqaalaha dowladda.

Wasiirka ayaa xusay in golaha wasiirradu ay dib u eegeen waqtiga howlgalka ee guddiga shaqaalaha rayidka ee dowladda (Mandate) oo soo dhamaaday, loona baahday in dib loo eego, wuxuuna xusay in loo xil saaray inuu arrintaa ka shaqeeyo xafiiska ra’iisul wasaaraha.

Ugu dambeyn, goluhu waxay erey bixin cusub u sameeyeen maamul u sameynta gobalada dalka oo maanta kaddib ay isku raaceen in loo isticmaalo [Maamul u sameysashada gobalada dalka] maadaama ay gobol iyo degmo kasta xaq u leeyihiin inay iyagu iska soo dhex doortaan dadka hoggaanka u noqonaya, taasoo xukuumadduna ku taageeri doonto.




Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya