4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 7 , 2013
Dagaal culus oo Ciidamada Itoobiya iyo Xarakada Al-Shabaab ku dhex-maray deegaan u dhexeeya Xudur iyo Ceelbarde


Khamiis, Feberaayo 07, 2013 (HOL) — Ciidammo Itoobiyaan ah oo kasoo baxay magaalada Ceelberde oo sahay u soo waday ciidamadooda ku sugan magaalada Xudur ee gobolka Bakool ayaa waxay dagaal culus kula kulmeen  meel u dhaxaysa Ceelbarde iyo Xudur oo layiraahdo Teed, iyadoo khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ay soo kala gaareen labada dhinac.

Magaalada Xudur waa magaalo go'doon ku jirta, waayo waxaa ku wareegsan xoogagga Al-shabaab oo u diiddan inay galaan baabuurta raashinka ganacsi wada, sida lasoo sheegaya waxaa ka jira macluul iyo nolol xumo ba’an.

Raashinka keliya ee taga magaalada Xudur waa mid ay dadka dhabarkooda kaga qaataan deegaannada ku dhow-dhow, iyadoo kiiladii sokorta ah ay ka joogto 150,000 oo shillin Soomaali ah; halka magaalada Baydhabo ay ka tahay 16,000 oo shillin Soomaali ah.

Xarakada Al-shabaab iyo ciidamada Itoobiya ayaa la sheegay inay weli isku horfadhiyaan deegaankii ay ku dagaalameen, iyadoo aan la ogeyn khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaas.

Degmooyinka Xudur iyo Ceelbarde ayaa ah labada degmo ee keliya oo ay ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya kaga sugan yihiin gobolka Bakool, iyadoo inta kale ay ka taliso Al-shabaab.

Wararka ka imaanaya Xudur ayaa waxay sheegayaan in degmada Xudur ay ka jirto xaalad bani’aadamnimo oo aad u daran, taasoo gudaha magaaldaas ku haysata dadka rayidka ah ee ku nool.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya