3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 5 , 2013
Ra’iisul Wasaaraha Somalia oo maanta magacaabay Guddi baaris ku sameeya dilalka suxufiyiinta iyo Kufsiga Haweenka

Talaado, Feberaayo 05, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa magacaabay guddi madaxbannaan oo baaris ku sameeya dilalka loo geysto suxufiyiinta iyo kufsiga haweenka, guddigan ayaa laga soo xulay bulshada rayidka ah, saraakiisha ciidamada, gayaqaanno, saxaafadda, dhakhaatiirta iyo qaybaha kale ee bulshada.

Guddigan ayaa waxay howshoodu tahay inay baaristaanno ku sameyaan falalka ka dhanka ah xuquuqda aadanaha ee ka dhaca gudaha dalka. Iyadoo magacaabistooda ay ku timid kulan Muqdisho ku dhexmaray xubno ka tirsan bulshada rayidka ah iyo guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Guddigan ayaa waxay ka kooban yihiin 13-xubnood oo isugu jira rag iyo dumar; kuwaasoo  bulshada dhexdeeda magac ku leh. Waxayna kala yihiin:

  1. Guddoomiyaha Gudiga: Maryam Yuusuf Sheekh Cali
  2. Jen. Maxamed Xaaji
  3. Gen. Cabdikariim Xasan Gorod
  4. Garyaqaan: Cabdikariim Daahir Siciid
  5. Dr. Cabdulqaadir Xusein Cabdalla
  6. Garyaqaan: Zakariye Maxamed Sheekh
  7. Xaliimo Jaamac Afrax
  8. Faadumo Cali Caliyow
  9. Faadumo Axmed Caalin (Cureeji)
  10. Cabdulqaadir Ibraahim Gacal (Abkoow)
  11. Maxamed Xasan Ayow
  12. Cabidraxmaan Xasan Warsame
  13. Maxamed Cabdisalaan Cabdi

Dhammaan xubnahan waa kuwo ku shaqeynaya si mutadawacnimo ah, iyadoo howshoodu ay socon doonto muddo saddex bilood ah, waxaana laga doonayaa inay soo gudbiyaan warbixinno rasmi ah oo ku saabsan howsha loo igmaday.

Guddoomiyaha guddigan madaxa-bannaan, Maryan Yuusuf Sh. Cali oo muddo 15-sano ah ka shaqeynaysay howlaha difaacidda xuquuqda aadanaha iyo horumarinta haweenka, ayaa hadal ay ka jeedisay madasha looga dhawaaqay guddigan waxay ka tiri: “Riyadaydu mar kasta waxay ka turjumaysaa sidii wax loogu qaban lahaa haweenka oo ah dadka ugu jilicsan bulshada, lafdhabarna u ah.”

Sidoo kale Maryan waxay intaas ku dartay inay dadaal u geli doonaan sidii ay u raadin lahaayeen xaqiiqda ku salaysan cidda ka dambaysa kufsiga dumarka iyo dilka wariyayaasha. lagana soo diyaariyo warbixin ay u gudbin doonaan laamaha sharciga si tallaabo looga qaado dambiilayaasha falalkaas ku kaca.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo ka hadlayay goobtii uu ku magacaabay guddigan oo ahayd madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegay inay qaadan doonaan warbixin walba oo uu guddigan u soo gudbiyo.

“Kufsiga iyo dilka wariyayashu waa laba arrimood oo ka mid ah ku xadgudubka xuquuda aadanaha si aad ah ayaana noo xanuujinayaan. Dowlad ahaan arrintaas ma ahan mid aynu sii socoshadeeda u dulqaadanayno,” ayuu yiri ra'iisul wasaaraha oo intaas intaas ku daray xilligan oo ay Soomaaliya sameyneyso horumar dhan walba ah, loona baahan yahay in laga hortago falalkan oo dib u dhigaya horumarka.

Mudane Saacid oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri: “Si aan dadaalkeena u sii kordhino waxaan maanta samaynay guddigan madaxa-banaan oo talo naga siin doona arrimaha la xariira kufsiga iyo dilka suxufiyiinta, waa guddi laga sugayo inay keenaan xaqiiqda ku salaysan tacadiyada ka dhacay xuquuqda aadanaha, talo cadna naga siiyaan wixii keenay falalkan soo noqnoqday.” Isagoo tilmaamay in sababta guddigan loo magacaabay ay tahay welwelka badan ee ay nagu hayso falalkan ka dhanka ah xaquuqda bani'aadamka.

Ugu dambeyn, ra’iisul wasaaruhu wuxuu sheegay in xukuumaddiisu aysan u dul-qaadan doonin dilalka loo geysto suxufiyiinta iyo kufsiga haweenka, isagoo sheegay in dowladdiisu ay ka go’an tahay inay ciribtirto labadan caado oo uu ku tilmaamay kuwo aan la aqbali karin.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
2/5/2013 7:26 AM EST
Talaado, Feberaayo 05, 2013 (HOL) — Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta Talaado ah xukun min hal sano oo xabsi ah, wariye C/casiis C/nuur Ibraahim (Koronto) iyo haweeney sheegtay inay kufsadeen ciidammo kuwa dsowladda Soomaaliya, iyadoo xukunkan ay goobjoog ka ahaayeen xubno ka socda baarlamaanka iyo ehellada eedeysanayaasha.

2/5/2013 7:23 AM EST
Talaado, Feberaayo 05, 2013 (HOL) — Wasiirka Waxbarashadda iyo tacliinta Sare Marwo:Samsam Cabdi Aadan ayaa hambalyeysay ardayad dhigata dugsiga Abaarso Tech ee magaaladda Hargeysa oo deeq waxbarasho ka heshay jaamacadda Oberlin College ee gobolka Ohio ee dalka Maraykanka

2/5/2013 6:46 AM EST
Talaado, Feberaayo, 05, 2013 (HOL) – Shir jaraa’id oo ay maanta ku qabteen magaalada Baladweyne Saraakiisha AMISOM ayeey faah faahin dheeraad ah uga bixiyeen dagaal culus oo habeenimadii Jimcihii aynu soo dhaafnay ku dhaxmaray magaalada Baladweyne ciidamada AMISOM, kuwa dowladda Soomaaliya iyo xoogagga Al-shabaab.

2/5/2013 6:21 AM EST
Talaado, Feberaayo 05, 2013 (HOL) —Qarax xooggan ayaa gudaha magaalada Baydhabo lagula eegtay askar katirsan ciidamada Itoobiya xilli ay marayeen bartamaha magaalada gaar ahaan halka loo yaqaan afar-irdoodka.

2/5/2013 2:03 AM EST
Talaado, Febraayo,5, 2013 (HOL)-Madaxweynaha Somaliland Mudane:Axmed Maxamed Maxamuud Siillaanyo ayaa markii ugu horeysay isku bedelay Badhasaabyaddii goboladda, isla markaana magacaabay wasiiro ku xigeeno cusub iyo Maareeyayaal cusub.

2/5/2013 1:49 AM EST
Talaado, Feberaayo 05, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hadal ka jeediyay machadka cilmi-baarista ee Chatham House ee magaalada London, iyadoo intii uu hadalkiisa socday ay dadweyne Soomaaliyeed dibadbax ka horsameeyeen xaruntaas.

2/5/2013 1:48 AM EST
Talaado, Feberaayo 05, 2013 (HOL) — Taliyaha ciidamada AMISOM, Andrew Gutti ayaa sheegay in askari ka tirsan ciidamada Midowga Afrika lagu dilay qarax miino oo shalay ka dhacay Muqdisho, isagoo sheegay in xilligaas ay ku jireen ciidamadu howlo ay ku difaacayaan shacabka Soomaaliyeed.

2/5/2013 12:45 AM EST
Talaado, Feberaayo 05, 2013 (HOL) — Dowladda Soomaaliya ayaa maamul cusub oo shaqeynaya lixda bilood ee soo socda u magacowday gobolka Bay iyo degmada Baydhabo ee xarunta gobolkaas, iyadoo maamulkaas uu kasoo horjeestay guddoomiyihii gobolka Bay ee la bedelay Cabdifitaax Maxamed Ibraahim (Geeseey).

2/5/2013 12:42 AM EST
Talaado, Feberaayo 05, 2013 (HOL) — Maamulka Galmudug ayaa markii ugu horreysay gole deegaan u sameeyay Koonfurta degmada Gaalkacyo ee gobolka Mudug oo ay ka taliyaan, iyadoo golahan cusub uu doortay si KMG ah ugu doortay guddoomiyaha golaha haweeneyda ugu da’da weyn xubnaha golaha deegaanka.