4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 5 , 2013
Taliyaha AMISOM oo sheegay in mid ka mid ah Askartooda lagu dilay Qarax ka dhacay Magaalada Muqdisho


Talaado, Feberaayo 05, 2013 (HOL) — Taliyaha ciidamada AMISOM, Andrew Gutti ayaa sheegay in askari ka tirsan ciidamada Midowga Afrika lagu dilay qarax miino oo shalay ka dhacay Muqdisho, isagoo sheegay in xilligaas ay ku jireen ciidamadu howlo ay ku difaacayaan shacabka Soomaaliyeed.

War-saxaafadeed ay soo saartay AMISOM ayaa lagu sheegay in weerarku uu ka dhacay agagaarka kuliyadda Jaalle Siyaad oo saldhig u ah ciidamada ka socda dalka Burundi ee qaybta ka ah howgalka Midowga Afrika ee Somalia, iyadoo aysan jirin khasaare intaas ka badan oo weerarka uu geystay.

“Ma ahan weerarkan mid niyad ku keenaya ciidamada AMISOM ee halkan u jooga inay sugaan ammaanka shacabka Soomaaliyeed, wayna sii wadayaan howshooda lagu adkeynayo ammaanka guud ee dalka,” ayuu Jen. Gutti ku yiri war-saxaafadeedka ay soo saartay AMISOM.

Ciidamada qaraxa laga beegsaday ayaa la sheegay inay sugayeen amniga shaqaale Soomaaliyeed oo dib u dhis waday, iyadoo aysan jirin khasaare soo gaaray shaqaalihii howsha waday.

“Saddex ruux oo looga shakisan yahay inay ka dambeeyeen weerarka oo ahaa miinooyinka meelaha fog laga hago ayaa la qabtay waxaana lagu wareejiyay ciidamada dowladda Soomaaliya,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay ciidamada Midowga Afrika.

Inkastoo aan la sheegin magaca askariga dhintay ayaa haddana taliyaha AMISOM wuxuu ku sheegay in falkan uu ka mid yahay falalka shacabka Soomaaliyeed lagu dhibaateynayo. Isagoo tacsi u diray ehellada uu kasoo jeedo askariga dhintay oo u dhashay dalka Burundi.

Al-shabaab ma aysan sheegan inay weerarkan ka dambeysay, balse waxaa lagu daabacay shabakado taageera in weerarkan uu ahaa mid wanaagsan oo khasaare lagu gaarsiiyay ciidamada ka socda Midowga Afrika.

Weerarkaan ayaa wuxuu imaanayaa xilli ay Muqdisho ka socdaan howgallo ay qayb ka yihiin booliiska AMISOM, kuwaasoo lagu sugayo ammaanka guud ee magaalada Muqdisho.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya