3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 5 , 2013
Wasaaradda Waxbarashada Somaliland oo soo dhaweysay ardayad dhawaan Deeq-waxbarasho Jaamacad ku taalla Maraykanka

Talaado, Feberaayo 05, 2013 (HOL) — Wasiirka Waxbarashadda iyo tacliinta Sare Marwo:Samsam Cabdi Aadan ayaa hambalyeysay ardayad dhigata dugsiga Abaarso Tech ee magaaladda Hargeysa oo deeq waxbarasho ka heshay jaamacadda  Oberlin College ee gobolka Ohio ee dalka Maraykanka

“Waxa aan halkan uga mahad celinayaa Jaamacadda Oberlin ee deeqdan waxbarasho bixisay iyo sidoo kale Dugsiga Abaarso-Tech ee fursadan ku guulaystay. waxaan soo dhawaynaynaa in fursado kale oo deeqo waxbarasho ah oo dhamaystiran la siiyo ardayda guud ahaan Somaliland”ayey tidhi Wasiirka waxbarashadda Somaliland Samsam Cabdi Aadan oo soo dhoweysay ardayadda heshay waxbarashadda bilaashka ah ee Maraykanka..

Ardayadan ku guulaysatay deeqdaasi waxbarasho oo magaceedda la yidhaa Nimco Axmed Ismaaciil, ayaa ah ardayad  dhigata fasalka afraad ee dugsiga Sayniska iyo Tiknoolajiyadda ee Abaarso Tech ee ku yaalla  duleedka galbeed ee  magaaladda Hargeysa.

Masuuliyiinta Jaamacadda ayaa sheegay in inta badan ardayda wax ka barata Jaamacadda Oberlin lacagta ku baxdaa ay dhan tahay lixdan kun oo dollar sanadkii marka la qiimeeyo Lacagta Waxbarashada, Kirada Guriga, Cuntada, iyo kharashaadkaba ku baxa caafimaadka, waxaanay noqonaysaa isku geynta kharashka afartaa sano ee waxbarashada Jaamacadaasi ku bixi doonta inanta lacag dhan $240,000 (Laba Boqol Iyo Afartan Kun Oo Doolar).

Qoraaal ka soo baxay dugsigan Abaarso Tech ee ay ardayadani dhigato, ayaa lagu sheegay  in jamaacadda Oberlin qiimeyn dhawaan lagu sameeyey jaamacada Maraykan ay gashay kaalinta 2aad ee xaga tayadda waxbarashadda jaamacadaha Maraykan, waxaana la aasaasay jaamacadan 1833.

“Haddii aanu meesha jirin dadaalka ay samaysay Nimco, oo taageero ka heshay macalimiinta tayada leh ee dugsiga Abaarso, abaal-marintan qaaliga ah ma suura gasheen, balse maanta Nimco, way u qalantaa abaalmarintan, dhamaanteenna waa noo sharaf inaan ku faano guusha ay gaadhay,” ayuu yidhi maamulaha dugsigan Abaarso Tech Mr; Jonathan Starr oo ka hadlayey deeqdaasi waxbarasho.

Waxaanu maamuluhu u rajeeyey  Dugsiga Abaarso iyo dhamaan ardayda dhigata dugsiga in ay ku guulaystaan abaal-marino kale oo caalami ah oo la mid ah midda ay maanta ku guulaysatay Nimco.

“Sanadihii 2011 illaa 2012-kii waxaanu deeq waxbarasho ugu dirnay hal arday oo waxbarasho ka helay Kulliyadda Worcester ee dalka Maraykanka, Sanadkii Tagay ee 2012-kiina, waxaanu deeq waxbarasho oo Maraykanka ah u helay 6 arday dugsiyadda Boodhinka ah ee Worcester, Taft School, Ethel Walker, Wilbraham, Monson iyo Northfield Mount Hermon, Waxa kale oo aanu deeq waxbarasho hal arday uga helnay Kuulliyadda African Leadership Academy ee ku yaala wadanka Koonfurta Afrika”ayuu raaciyey hadalkiisa maamulaha dugsigan Sayniska iyo Tiknoolajiga ee Abaarso Tech.

Si kastaba ha ahaatee, dugsigan Abaarso Tech ayaa u muuqday mid uu ku kasbanayo shacabka Somaliland iyo ardayda wax ka barata maadaama oo khilaaf xaga maamulka ahi ka jiro oo baryihii u dambeeyey sare u kacay, oo ay gaadhay heer ay maxkamadda isla galaan muwaadin reer Somaliland ah iyo maamulaha dugsigan oo Maraykan ah, inkastoo waxbarashaddii si habsami ah u socoto oo aanay marna ka kala go’in waxbarashaddii ardayda u socotay..

Haseyeeshee dugsigan ayaa inta badan waxa macalimiin ka ah macalimiin ajanabi ah oo ka yimid Maraykanka, kuwaas oo kor u qaaday waxbarashaddii Somaliland, maadama oo uu dugsigan yahay mid Boodhin ah oo ardaydu u hoydaan, isla markaana ay wax ka bartaan ardayda ka soo jeedda qoysaska ladan ee Somaliland ku nool.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected] 
Hargeysa, Somaliland













Click here
2/5/2013 8:02 AM EST
Talaado, Feberaayo 05, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa magacaabay guddi madaxbannaan oo baaris ku sameeya dilalka loo geysto suxufiyiinta iyo kufsiga haweenka, guddigan ayaa laga soo xulay bulshada rayidka ah, saraakiisha ciidamada, gayaqaanno, saxaafadda, dhakhaatiirta iyo qaybaha kale ee bulshada.

2/5/2013 7:26 AM EST
Talaado, Feberaayo 05, 2013 (HOL) — Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta Talaado ah xukun min hal sano oo xabsi ah, wariye C/casiis C/nuur Ibraahim (Koronto) iyo haweeney sheegtay inay kufsadeen ciidammo kuwa dsowladda Soomaaliya, iyadoo xukunkan ay goobjoog ka ahaayeen xubno ka socda baarlamaanka iyo ehellada eedeysanayaasha.

2/5/2013 6:46 AM EST
Talaado, Feberaayo, 05, 2013 (HOL) – Shir jaraa’id oo ay maanta ku qabteen magaalada Baladweyne Saraakiisha AMISOM ayeey faah faahin dheeraad ah uga bixiyeen dagaal culus oo habeenimadii Jimcihii aynu soo dhaafnay ku dhaxmaray magaalada Baladweyne ciidamada AMISOM, kuwa dowladda Soomaaliya iyo xoogagga Al-shabaab.

2/5/2013 6:21 AM EST
Talaado, Feberaayo 05, 2013 (HOL) —Qarax xooggan ayaa gudaha magaalada Baydhabo lagula eegtay askar katirsan ciidamada Itoobiya xilli ay marayeen bartamaha magaalada gaar ahaan halka loo yaqaan afar-irdoodka.

2/5/2013 2:03 AM EST
Talaado, Febraayo,5, 2013 (HOL)-Madaxweynaha Somaliland Mudane:Axmed Maxamed Maxamuud Siillaanyo ayaa markii ugu horeysay isku bedelay Badhasaabyaddii goboladda, isla markaana magacaabay wasiiro ku xigeeno cusub iyo Maareeyayaal cusub.

2/5/2013 1:49 AM EST
Talaado, Feberaayo 05, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hadal ka jeediyay machadka cilmi-baarista ee Chatham House ee magaalada London, iyadoo intii uu hadalkiisa socday ay dadweyne Soomaaliyeed dibadbax ka horsameeyeen xaruntaas.

2/5/2013 1:48 AM EST
Talaado, Feberaayo 05, 2013 (HOL) — Taliyaha ciidamada AMISOM, Andrew Gutti ayaa sheegay in askari ka tirsan ciidamada Midowga Afrika lagu dilay qarax miino oo shalay ka dhacay Muqdisho, isagoo sheegay in xilligaas ay ku jireen ciidamadu howlo ay ku difaacayaan shacabka Soomaaliyeed.

2/5/2013 12:45 AM EST
Talaado, Feberaayo 05, 2013 (HOL) — Dowladda Soomaaliya ayaa maamul cusub oo shaqeynaya lixda bilood ee soo socda u magacowday gobolka Bay iyo degmada Baydhabo ee xarunta gobolkaas, iyadoo maamulkaas uu kasoo horjeestay guddoomiyihii gobolka Bay ee la bedelay Cabdifitaax Maxamed Ibraahim (Geeseey).

2/5/2013 12:42 AM EST
Talaado, Feberaayo 05, 2013 (HOL) — Maamulka Galmudug ayaa markii ugu horreysay gole deegaan u sameeyay Koonfurta degmada Gaalkacyo ee gobolka Mudug oo ay ka taliyaan, iyadoo golahan cusub uu doortay si KMG ah ugu doortay guddoomiyaha golaha haweeneyda ugu da’da weyn xubnaha golaha deegaanka.