4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 5 , 2013
Gal-Mudug oo markii ugu horreysay Gole Deegaan u sameeysay xaafadaha ay ka maamusho Magaalada Gaalkacyo

Talaado, Feberaayo 05, 2013 (HOL) — Maamulka Galmudug ayaa markii ugu horreysay gole deegaan u sameeyay Koonfurta degmada Gaalkacyo ee gobolka Mudug oo ay ka taliyaan, iyadoo golahan cusub uu doortay si KMG ah ugu doortay guddoomiyaha golaha haweeneyda ugu da’da weyn xubnaha golaha deegaanka.

Golahan oo ka kooban 36 xubnood oo rag iyo dumar isugu ayaa waxay ka yimaadeen afarta xaafadood ee ay ka kooban tahay Koonfurta Gaalkacyo, waxaana xaafad walba ka yimid sagaal xubnood oo ay dadka deegaanku soo doorteen.

Wasiir arrimaha gudaha iyo amniga Galmudug, Maxamed Mahad Gaaraxo oo ka hadlay xafladdii doorashada oo shalay dhacday ayaa xubnahan golahan inay muujiyaan dadaal dheeraad ah si wax looga bedelo habkii maamul ee maamulka Galmudug.

“Mas’uuliyaddan waxaa idiin doortay dadka aad ka dhalateen, waana la idin la xisaabtami doonaa, idinkana waxaa la idin kaga baahan yahay inaad xisaabtantaan,” ayuu wasiirku kula dardaarmay xubnaha golaha deegaanka ee Gaalkacyo.

Sidoo kale, waxaa goobta ka hadashay Xaliimo Neero oo ah haweeneyda ugu da’da weyn ee golaha deegaanka, isla markaana ah guddoomiyaha KMG ah ayaa waxay sheegtay in mas’uuliyiinta golaha looga baahan yahay inay ka run sheegaan dhaarta ay u dhaarteen mas’uuliyaddan.

Waa markii ugu horreysay oo tan iyo markii la dhisay maamulka Galmudug muddo lix sano laga joogo oo ay gole deegaan u sameeyaan deegaannada ay kaga sugan yihiin magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya