4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 4 , 2013
Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisal Wasaaraha Britain oo London ku kulmay (SAWIRRO)


Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud iyo Ra'iisal Wasaare David Camer
on


Isniin, February 04, 2013(HOL): Waxaa magaalada London, gaar ahaan xafiiska ra’iisal Wasaaraha Britain ee Number 10 ku kulmay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud iyo Ra’iisal Wasaaraha Britain David Cameron.

 

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisal Wasaaraha Britain ayaa waxay ka wada hadleen xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Britain, sidoo kalena waxay isla soo qaateen xaaladda dalka Soomaaliya kaddib dhismihii dowladda Federaalka Soomaaliya.

Labada mas'uul ayaa waxay kulankan si qoto dheer uga wada hadleen arrimaha ammaanka Soomaaliya oo dowladda Federaalka muhiimadda koowaad ay siineyso iyo sida ay Dowladda Britain gacan uga geysan karto arrimaha Amniga. Sidoo kalena waxay kulankan iskula soo qaadeen arrimo ku saabsan shirka bisha May ka dhici doona London, kaasi oo ay dowladaha Britain iyo Soomaaliya ay shir guddoomin doonaan.
 

Ra’iisal Wasaaraha Britain David Cameron ayaa intii uu socday kulanka waxaa uu caddeeyay in uu  si diirran u soo dhaweynayo  qorshayaasha ay dowladda Soomaaliya dooneyso in ay ku shaqeyso, isla markaana ay dadka iyo dalka ku samatabixiso, wuxuuna carrabka ku adkeeyay in ay Soomaaliya la garab taagan yihiin taageero dhinacyo kala duwan leh.

 

Sidoo kalena Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa dowladda Britain uga mahadceliyay taageerada ay Soomaaliya u fidiso, wuxuuna caddeeyay in dadka Soomaaliyeed aysan illoobi doonin abaalka ay u gashay dowladda Britain.


Waxaa xusid mudan in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud loogu soo dhaweeyay

10 Downing Street si ka duwan sidii loo soo dhaweyn jiray madaxdii Soomaalida waayo Ra'iisal Wasaare David Cameron wuxuu u soo baxay dibadda si la mid ah sida uu u soo dhaweeyo madaxda kale ee Caalamka, kaddibna wey is-gacan-qaadeen, iyagoo u gudbay halkii loo asteeyay in uu  kulanka ka dhaco, halkaasi oo ay yaalleen labada calan ee labada dal Soomaaliya iyo Britain.

Madaxweynaha Dowladdii KMG ahayd ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa 10 Downing Street horay u booqday xilligii Xukuumaddii Gordon Brown, inkastoo maamuuska ay kala duwanaayeen sida ay u kala duwan yihiin dowladaha ay kala metelayeen labada madaxweyne. Dowladda Federaalka Soomaaliya ee hadda u dhisan Soomaaliya ayaa waxay u muuqataa mid kasbaneysa aqoonsiga dowladnimo ee beesha Caalamka.

 

Dowladda Britain ayaa waxay ka mid ah dowladaha waa weyn ee taageerada siisa Soomaaliya, waxaana xusid mudan in ay Dowladda Britain London ku qabatay horraantii sanadkii hore  shir caalami ah oo arrimaha Soomaaliya looga hadlayay, halka bisha May ee soo socotana ay qorsheyneyso in ay shir kale ku qabato London, kaasi oo lagu taageeri doono Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 


Dhanka kalena, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Xasan Maxamuud ayaa hadal ka jeedin doona Daarta Chatham House, halkaasi oo ay doodo isku weydaarsadeen siyaasiyiin iyo aqoonyahanno kulankan lagu casuumay.

 

Madaxweynaha Soomaaliya oo maalmihii aynu ka soo gudubnay ku sugnaa magaalada London ayaa wuxuu la kulmay madax ka tirsan Dowladda Britain iyo Hay’adda kaalmada ee UK. Sidoo kalena  wuxuu la hadlay Soomaalida ku nool UK, isagoo sidoo kalena aqoonyahanno kala qeybgalay Dood-wadaag uu soo qabanqaabiyay TV-ga Universal.

Ka hor intii uusan madaxweynaha tegin Magaalada London ee dalka Britain, wuxuu horay u soo maray Magaalada Brussels ee dalka Belgium, halkaasi oo uu ku tegay casuumaad uu ka helay Midowga Yurub. Madaxweynaha intii uu ku sugnaa xarunta Midowga Yurub waxaa uu la kulmay madaxda sare ee Midowga Yurub oo si weyn u soo dhaweeyay waaga cusub ee baryay dadka Soomaaliyeed. Ugu dambeyntiina, Madaxweynaha Soomaaliya waxaa uu horay u booqday dalka Mareykanka, halkaasi oo uu sidoo kale ku tegay martiqaad rasmi ah oo uu ka helay Dowladda Mareykanka oo uu  la kulmay madaxdeeda sare.





Salaad Xiis  iyo      Ibraahim Baafo,   Hiiraan Online

[email protected]  [email protected]