3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 4 , 2013
Shacabka Xaafadda Shiikh Mubaarak ee Magaalada Hargeysa oo waddo cusub ka Hir-geliyay Xaafaddooda

Isniin, Feberaayo 04, 2013 (HOL) — Marwadda Kowaad ee madaxweynaha  Somaliland, Aamina Xaaji Maxamed Jirde (Aamina Waris) ayaa shalay oo Axad ahayd xadhiga ka jartay waddo cusub oo hal killo mitir ah oo loo sameeyey xaafadaha Sheekh Nuur, Daami illaa Sheekh Mubaarak ee degmadda Gacan libaax ee magaalada Hargeysa.

Wadaddan oo inta badan ay gacan ka geysteen dadweynaha ku nool xaafadahaasi ayaa dhererkeedu dhamayd hal killo mitir, waxaana munaasibad balaadhan oo  lagu furayey wadadaasi ka soo qaybgalay Badhasaabka gobolka Maroodi jeex, Wasiir kuxigeenka Arrimaha gudaha, la taliyaha madaxweynaha ee arrimaha bulshadda iyo beelaha laga tiradda badan yahay, xoghayaha dawladda hoose, Taliye ku xigeenka Ciidanka booliska, xildhibaano iyo dadweynaha ku nool xaafadaasi.

Marwadda Kowaad ee madaxweynaha Marwo:Aamino Waris ayaa sheegtay inay aad ugu faraxsan tahay dhamaystirka wadadan oo isku xidhi doonto xaafaddo kala duwan, waxaanay xustay inay kor u qaadi doonto wadadani dhaqaalaha iyo isku xidhnaanta bulshadda, iyadoo cidkasta oo gacan ka gaystay ugu mahad cellisay.

Waxa isaguna halkaasi ka hadlay Wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha Cabdilaahi Abokor Cismaan, waxaanu sheegay in wadadani marxaladdo kala duwan soo martay,waxaanay dhererkeedu dhan tahay hal killo mitir iyo  laba boqol oo Mitir, haseyeeshee maanta la dhamaystiray halka killo mitir.

Badhasabka gobolka Maroodi jeex Cumar Xaaji Cabdilaahi Xamarje oo halkaasi ka hadlay ayaa isna ka waramay faa’iidada ay wadooyinku uu leeyihiin dadweynaha ku dhaqan xaafadaha, waxaanu shacabka Somaliland ku booriyey inay wadooyinkoodda cusub ilaashadaan.

Waxa iyaguna halkaasi ka hadlay xildhibaano, cuqaal iyo dadweynaha xaafadda oo si weyn ugu faraxsan wadadan wajigii kowaad loo dhamaystaray, maadaama oo xaafadahaasi waddadan aad ugu baahnaayeen, isla markaana isku socodka iyo horumarka xaafaduhu ay muhiim u tahay in wadooyin fiican ka jirto.

Si kastaba ha ahaatee, dadweynaha magaaladda Hargeysa ayaa baryahan dambe si weyn ugu tartamayey inay xaafad kasta wadooyin samaysato, waxaan wadooyinkani ka qaybqaadanayaan horumarka ay dadweynuhu rabaan inay deegaanadooda ka sameeyaan.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected] 
Hargeysa, Somaliland













Click here
2/4/2013 7:37 PM EST
Video: Kulankii Madaxweyne Xasan Sheikh iyo Ra'iisul Wasaare David Cameron

2/4/2013 12:46 PM EST
Isniin, Feberaayo 04, 2013 (HOL) — Ololahan oo ay ku dhawaaqeen xubno ka tirsan bulshada rayidka ah ayaa waxaa la sheegay inuu yahay mid lagula dagaalamayo kufsiga loo geysto haweenka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku jira xeryaha barakacayaasha.

2/4/2013 12:12 PM EST
Isniin, Feberaayo 04, 2013 (HOL) — Maxaabiista ku jirto xabsiga dhexe ee magaalada Baydhabo oo tiradoodu gaarayso 240 maxbuus, ayaa waxay ka cabanayaa qaarkood inaysan helin garsoor daacad ah iyo nolal xumo. Sidoo kale waxay ka cabanayaan kuleyl aad u daran, iyadoo maxaabiista qaarkood uu maqaarku ka dhacay.

2/4/2013 12:12 PM EST
Isniin, Feberaayo 04, 2013 (HOL) — Dagaalyahanno taabacsan Al-shabaab ayaa xalay weerar ku qaaday xarumo ay Baydhabo ka deggen yihiin saddex hay’adood oo ka shaqeeya samafalka, kuwaasoo kala ah: MINE ACTION, USAID iyo TIS, waxayna sidoo kale weerareen saldhig ay ciidamada dowladdu ku leeyihiin suuqa xoolaha Baydhabo.

2/4/2013 11:31 AM EST
Isniin, Feberaayo 04, 2013 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ee Soomaaliya ayaa ka furatay bog cusub barta isku xirka bulshada ee Twitter, kaddib markii laba toddobaad ka hor laga xiray kooxdan bar ay ku lahayd Twitter, kaasoo ay kusoo bandhigi jirtay wararka ku saabsan dagaallada ay kula jirto ciidamada AMISOM iyo kuwa Itoobiya.

2/4/2013 10:52 AM EST
Isniin, February 04, 2013(HOL): Waxaa magaalada London, gaar ahaan xafiiska ra’iisal Wasaaraha Britain ee Number 10 ku kulmay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud iyo Ra’iisal Wasaaraha Britain David Cameron.

2/4/2013 9:39 AM EST
Isniin, February 04, 2013(HOL): Munaasibadda billad-sharaftan lagu bixinayey oo ka dhacday magaaladda Minneapolis ee gobolka Minnesota, oo ah halka ay ku dhaqan yihiin Soomaalida ugu badan ee Mareykanka ku nool ayaa waxaa ka soo qeybgalay dad badan oo ay ka mid ahaayeen saraakiil ciidan oo hore, xildhibaano ka tirsan dowladda Soomaaliya, iyo waliba hogaamiyeyaal bulsho.

2/4/2013 7:50 AM EST
Isniin, Feberaayo, 04, 2013 (HOL) -- Saraakiisha ciidamada maamulka gobollka Hiiraan ayaa maanta magaalada Baladweyne ku soo bandhigay shan ruux oo sida ay sheegeen ka soo goosatay xarakada Al-shabaab oo ay horay uga tirsanaan jireen.

2/4/2013 4:01 AM EST
Isniin, Feberaayo 04, 2013 (HOL) —Kooxo ku hubeysan baastoolado oo aan heybtooda la aqoon ayaa xalay gudaha magaalada Kismaayo ku dilay wiil dhalinyaro ah oo katirsanaa dhalinta ku dhaqan xaafadda V-afmadow ee magaalada Kismaayo, iyadoona aan ilaa imika la garanayn sababta ka danbeysay dilkaasi.

2/4/2013 12:08 AM EST
Isniin, Feberaayo 04, 2013 (HOL) — Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho ku jooga magaalada London ee dalka Britain ayaa sheegay in dowladdii ay la hadlayso Al-shabaab haddii ay mowqifkooda ka waantoobaan.