4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 4 , 2013
Qof xalay lagu dilay Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose

Isniin, Feberaayo 04, 2013 (HOL) —Kooxo ku hubeysan baastoolado oo aan heybtooda la garanayn ayaa xalay gudaha magaalada Kismaayo ku dilay wiil dhallinyaro ah oo ka tirsanaa dhalinta ku dhaqan xaafadda V-afmadow ee magaalada Kismaayo, iyadoona aan ilaa imika la garanayn sababta ka danbeysay dilkaasi.

Ninka la dilay ayay wararka qaar sheegayaan in uu hore uga tirsanaan jiray dagaalyahannada Al-shabaab, balse uu markii danbe isaga baxay.

Goobjoogayaal ku sugan xaafadda V-afmadow ee magaalada Kismaayo ayaa warbaahinta u sheegay in dilka ay geeysteen laba nin oo wejiyada qarsaday islamarkaasina ku hubeysnaa baastoolado, kuwaasoo dilka kadib goobta isaga baxsaday.

Ciidamada ammaanka maamulka KMG ee Kismaayo ayaa dilka kadib howlgallo ka sameeyay halkaasi, iyagoona kusoo qabqabtay tiro dad ah oo looga shakisanyahay in ay ku lug leeyihiin falkaasi.

Dilka xalay gudaha magaalada kismaayo ka dhacay ayaa kusoo beegmaya xilli ciidamada ammaanka maamulka Kismaayo ay maalmihii u danbeeyay wadeen dadaallo lagu sugayo ammaanka guud ee magaalada Kismaayo oo ay marar badan ka dhaceen dilal loo geystay nabadoonno iyo dad rayid ah.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya