4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 4 , 2013
Soomaalida Gobolka Minnesota oo Billad-Sharaf Guddoonsiiyay Wasiirkii Hore ee Gaashaandhigga Soomaaliya (SAWIRRO)


Isniin, February 04, 2013(HOL): Munaasibadda billad-sharaftan lagu bixinayey oo ka dhacday magaaladda Minneapolis ee gobolka Minnesota, oo ah halka ay ku dhaqan yihiin Soomaalida ugu badan ee Mareykanka ku nool ayaa waxaa ka soo qeybgalay dad badan oo ay ka mid ahaayeen saraakiil ciidan oo hore,  xildhibaano ka tirsan dowladda Soomaaliya,  iyo waliba hogaamiyeyaal bulsho.

 

Gen: Maxamed Cusmaan Qaadi, oo ka mid ahaa saraakiishii hore ciidamadii dowladdii dhexe ee Soomaaliya oo billad-sharaftan gudoonsiiyey wasiirkii hore ee difaaca ee Soomaaliya,  ayaa munaasibadda ka sheegay in Soomaalidu ay gashay waji-cusub oo tilmaamaya in laga gudbay qaskii iyo faham la’aantii qeymaha uu qaranku leeyahay, taasina ay daliil u tahay shacabka Soomaalidu ay abaal mariyaan hogaamiyeyaashooda sida wanaagsan u gutay waajibaadka qaranka, islamarkaana muujiyey karti iyo howl-karnimo.

 

Xusseen Carab Ciise, waxaa uu wasiirka difaaca ka noqday dowladii kumeel-gaarka ahayd ee madaxweynaha ka ahaa Shariif Sheekh Axmed, waxaa muddadii uu xilkaasi hayey ciidamada xoogga Soomaaliya oo kaabid ka helaya kuwa nabad-ilaalinta midowga Afrika ay qabsadeen, islamarkaana ay ka saareen kooxda Al-shabab dhul balaaran iyo magaalooyin waaweyn oo ku yaala koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya oo ay sanado badan ka talinayeen, kuwaasi oo ay ka mid tahay magaaladda Muqdisho ee caasimadda wadanka.

 


Waxyaabaha billad-sharaftan lagu bixiyey ayaa lagu sheegay “gudasho waajibaad qaran “ oo ay ka mid yihiin dib-u-dhiska ciidamada xoogga iyo ku dhiirashada furimaha hore xiliga dagaalka, iyadoona goobta lagu soo bandhigay muuqaallo ka turjumaha waxqabadkaasi laga dhawaajiyey.

 

Wasiirka hore ee difaaca ee dalka Soomaaliya Xusseen Carab Ciise, oo isaga qudhiisu ka hadlay munaasibaddan billad-sharafta lagu gudoonsiinayey ayaa shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyey sida ay u garab istaageen dowladda Soomaaliya gudaha iyo dibaddaba, waxaana uu sheegay in guusha lagu abaal mariyey  ku garabsiiyeen dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan gudaha dalka Soomaaliya.

 


“Aad ayaan idin kaga mahadcelinayaa abaal-marintiina, taasina waxaa ay daliil u tahay sida aad u garab taagan tihiin dowladdiina iyo madaxdiina intaba,” ayuu yiri Xusseen Carab Ciise. Isagoo intaasi raaciyey “Soomaaliya maanta meel wanaagsan ayey gaartay dibna uga noqonmayso meesha ay joogto.”

 

Muddo ka badan 21 sano Soomaaliya kama jirin dowlad dhexe oo si wanaagsan u shaqeysa wixii ka dambeeyey markii ay burburtay dowladdii militeriga ahayd ee madaxweynaha ka ahaa Maxamed Siyaad Barre, waxaana wixii xiligaasi ka dambeeyey dalka soo maray dowladdo kumeel-gaar ah, kuwaasi qaar badan madaxdooda ka mid ahna lagu dhaleecayn jirey howl-gudasho la’aan iyo musuq-maasuq dhaqaale, iskaba daa billado la’gudoonsiiyo.






 
Maxamed Faarax Talyaani, Hiiraan Online

[email protected]

Minneapolis, Minnesota