4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 6 , 2013
Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Somaliland oo booqasho ku tagay jig-jiga oo uu kaga qaybgalayo Xuska Qoomiyadaha (SAWIRRO)


Jicmo, December 06, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha golaha wakiiladda Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro, ayaa Booqasho ku tagay caasimadda Dawlad Deegaanka Somalida Ethiopia ee Jig-jiga ka dib markii uu martiqaad rasmi ah ka helay gudoomiyaha baarlamaanka Dalka Ethiopia oo ku martiqaaday ka qaybgalka xuska maalinta qoomiyadaha Ethiopia oo sannadkan loo asteeyey in lagu qabto magaalada Jigjiga ee dawlad deegaanka Soomalida Ethiopia.

Guddoomiyaha golaha wakiilada ayaa waxa magaalada xuduudka ah ee wajaale kaga hor yimid wafti isugu jira Heer Fadaraal iyo heer deegaan ee dawladda Ethiopia,kuwaas oo u kaxeeyey  magaaladda Jigjiga o ay ka socoto xafladda qoomiyadaha Itoobiya.

Guddoomiyaha ayaa magaalo xuduudeedka u dhaxaysa Ethiopia iyo Somaliland waxa ku soo dhoweeyey Madaxweyne ku xigeenka Dawlad Deegaanka Somalida Ethiopia, Wasiirka Beeraha Dawlad Deegaanka Somalida Ethiopia iyo  xildhibaan ka socda baarlamaanka Fadaraalka Ethiopia sida ay warbaahinta u sheegeen masuuliyiinta ka socda weftiga gudoomiyaha Golaha Wakiiladda, kuwaas oo uga mahad celiyey soo dhoweynta loo sameeyey.

Guddoomiyaha golaha wakiilada ayaa magaalo madaxda Dawlad Deegaanka Somalida Ethiopia kaga qaybgalidoona maalinta qoomiyadaha dalka Ethiopia isaga oo ku sugnaan doona muddo saddex cisho ah.

Sidoo kale, waxa isagana hore xuskan loogu casuumay gudoomiyaha xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo ay casuumeen xisbiga taladda haya ee Itoobiya.

Si kastaba ha ahaatee, xuska qoomiyadaha Itoobiya ayaa sanad kasta waxa lagu qabtay shanta Kilil ee ka jira Itoobiya, iyadoo qoomiyad waliba qabato xuska dabaaldega maalinta qoomiyadaha,  haseyeeshee waa sanadkii ugu horeeyey ee dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya lagu qabto, waxaana inta badan goobta lagu xusayo loo dhisaa dhismayaal iyo mashaariic faro badan oo loo hirgaliyo,  kuwaas oo deegaankaasi xuskan  lagu qabtay faa’iido badan ka hello, sidoo kale waxa deegaanka lagu qabanayo ka soo galla dhaqaale badan, maadaama oo la iskugu imanayo dhamaan madaxda iyo shirkadaha ka jira Itoobiya, isla markaana ay soo booqanayaan shucuubta Itoobiya ka jira ee kala duwan.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland