4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 6 , 2013
Wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo Jowhar u tagay Dhex-dhexaadinta beelo ku dagaallamay Shabeellada Dhexe

Jicmo, December 06, 2013 (HOL) — Xubno ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa gaaray degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellada dhexe si ay u dhexdhexaadiyaan beelo walaalo ah oo ay dagaallo ku dhexmareen bariga degmada Jowhar.

Wafdigan oo shalay gaaray degmada Jowhar ayaa waxaa hoggaaminaya wasiir u dowlaha wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka, Mahdi Maxamed Cali waxaana wafdigan ka mid ah xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Mas’uuliyiintan ayaa isla shalay booqday xeryo ay ku sugan yihiin dadkii ka barakacay fatahaadda webiga shabeelle, iyagoo u kuurgalay xalaadda ay ku sugan yihiin dadkaas.

“Xukuumaddu waxey ballan-qaaday inay gogol u dhigto beelaha dagaalku uu dhexmaray, waxaana naga go’an in xal waara laga gaaro beelahaas,” ayuu yiri wasiir u dowlaha oo warbaahinta kula hadlay Jowhar.

Sidoo kale, wafdiga ayaa waxay kulammo kala duwan la yeesheen xubnaha maamulka gobolka Shabeellada Dhexe kan degmada, iyagoo kala hadlay sidii loo xallin lahaa colaadda gobolkaas ka jirtay dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay.

Deegaanno ku yaalla bariga degmada Jowhar ayaa waxay dagaallo khasaare nafeed iyo mid hantiyeed geystay ku dhexmareen beelo walaalo ah oo isku haysta dhul beereer deegaannadaas ku yaalla.

Boqolaal qof oo ku barakacay colaadahan ayaa ku nool deegaanno gobolka Shabeellada dhexe ka tirsan, iyadoo aysan jirin wax xal ah oo laga gaaray colaadahaas, ayna tahay markii ugu horrreysay oo dowladdu ay wafdi u dirto joojinta dagaalladaas.

Ugu dambeyn, wasiir u dowlaha ayaa sheegay in qorshahan uu qayb ka yahay dadaallada ay dowladdu ugu jirto in nabad iyo wadahadal loogu dhameeyo dhammaan colaadaha ka jira dalka.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya