4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 6 , 2013
DUQA MUQDISHO: “Waxaan ku guuleysannay horumarinta adeegyada guud ee Bulshada iyo dib u soo celinta Bilicdii Muqdisho”


Jicmo, December 06, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha gobolka Banadir ahna duqa Muqdisho, Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa sheegay in maamulka uu madaxda u yahay uu ku guuleystay horumarinta adeegyada bulshada ee Gobolka Banaadir.

Mudane Tarsan oo la hadlya warbaahinta ayaa ka warbixiyay horumarka uu maamulkiisu uu ku guuleystay soo celinta adeegyadii bulshada, dhismaha xarumaha maamulada degmooyinka, dugsiyo, nalalka qorraxda ku shaqeeya iyo dib u dhiska waddooyinka.

“Howlahan oo dhan waa kuwo ku yimid aragtida aragtida iyo dadaallada uu sameeyay maamulka gobolka Banaadir, waxaana jecel nahay inaan halkaas kasii wadno si Muqdisho ay ula mid noqoto caasimadaha caalamka,” ayuu yiri Tarsan.

Sidoo kale, guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa sheegay in haatan uu ku socdo dhisme waddooyin dhowr ah oo ay ku jirto midda isku xirta xarunta madaxtooyada iyo isgoyska KM-4, horayna loo dhisay jidka taga garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.

“Qorshayaasheenna waxaa ka mid ah sidii dib loogu soo celin lahaa bilicdii Muqdisho, waxaana dhawaan la billaabayaa dhismaha jardiinooyinkii ama beerihii nasashada dadweynaha ee Muqdisho, kuwaasoo qayb ka ah dib u soo celinta bilicda caasimadda,” ayuu Tarsan hadalkiisa ku daray.

Ugu dambeyn, guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa sheegay in sannadka oo keliya uu maamulku ku guuleystay waxyaabo la taaban karo, isagoo rajo wanaagsan ka muuhiyay in sannadkan soo socda ay Muqdisho gaari doonto horumarro dhinacyo badan leh.

Hadalka guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa imaanaya iyadoo howlo badan oo dib u dhis ah uu ka socdo Muqdisho, waxaana wareegto uu soo saaray dhawaan Tarsan uu ku sheegay in lala wareegi doono guryaha ku yaalla bartamaha Muqdisho ee burbursan haddii dadkii lahaa ay dhisan waayaan.

Waddooyinka magaalada Muqdisho qaarkood ayaa waxaa laga hirgeliyay nalal ku shaqeeya cad-ceedda, kuwaasoo shacabku ay soo dhaweeyeen, inkastoo mararka qaarkood baallayaashaas lala eegto qaraxyo.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya