3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 6 , 2013
Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Shiikh, C/raxmaan Faroole iyo Axmed Siilaanyo oo ka hadlay Geeridii Mandela

Jicmo, December 06, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud iyo madaxweynayaasha maamullada Somaliland iyo Puntland, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo C/raxmaan Maxamed Faroole ayaa si isku mid ah uga hadlay geeridii madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika Nelson Mandela.

Warsaxaafadeed uu soo saaray madaxweynaha Somalia ayuu ku sheegay in Nelson Mandela uu ahaa hoggaamiyeyaasha dunida aadka looga xushmeeyo, isla markaana hormuud u ahaa inta u doodda cadaaladda iyo xornimda.

“Mandela wuxuu ahaa shaqsi saameyn weyn ku leh caalamka, geeridiisuna waa mid ku timid geesiga Afrika. Mandela wuxuu ahaa nabadoon laga wada xusuusto qaaradda Afrika. Wuxuu hormuud u ahaa dhammaan inta u doodda cadaaladda iyo xornimada,” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya.

Sidoo kale, madaxweynaha Somaliland, Axmed Siilaanyo oo isna ka hadlay geerida Mandela ayaa ku sheegay inuu ahaa hoggaamiye Afrikaan ah oo aad loo xusuusto, isagoo ku tilmaamay nin u dhabar-adaygay sidii dalkiisa uu ku gaarsiin lahaa xorriyad.

“Nelson Mandela waxaa lagu xusuustaa inuu ahaa geesi dadaal u galay sidii dalkiisa uu uga xoroobi lahaa midab-kala-soocii ka jirtay, waana geesi weyn oo dunida ka baxay,” ayuu yiri Siilaanyo. Isagoo xusay inuu dulqaad badan muujiyay.

Madaxweynaha Puntland oo isaguna ka hadlay geeridan ayaa Mandela ku tilmaamay geesi aan Afrika soo marin, wuxuuna sheegay in loo baahan yahay in tusaale laga dhigto taariikhdii uu ka tagay.

“Hoggaamiye weyn ayaa Afrika ka baxay, wuxuu ahaa geesi dadaal badan u soo galay inuu dalkiisu xoroobo, wuxuu 27-sano u xirnaa cadaalad-darro, markii lasoo daayayna wuxuu cafiyay dhammaan kuwii dhibaatada u geystay, taasna waa mid ka mid ah tusaalayaasha wanaagsan ee Mendela,” ayuu yiri C/raxmaan Faroole.

Dhammaan madaxda Soomaalida ayaa waxay si isku mid ah tacsi ugu direen ehellada madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika, Nelson Mandela oo xalay ku dhintay gurigiisa oo ku yaalla Zuweto oo ku taalla duleedka Johannesburg, isagoo ay da’diisu ahayd 95 sano.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
12/6/2013 1:58 PM EST
Jicmo, December 06, 2013 (HOL) — Nelson Rolihlala Mandela wuxuu 18-kii bishii July sannadkii 1918-kii ku dhashay tuulo yar oo ku dhow magaalada Umtata ee gobolka Eastern-cape ee dalka Konfur Afrika, wuxuuna kasoo jeedaa qoys qowmiyad ah oo lagu magacaabo Xhosa.

12/6/2013 11:58 AM EST
Jicmo, December 06, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha golaha wakiiladda Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro, ayaa Booqasho ku tagay caasimadda Dawlad Deegaanka Somalida Ethiopia ee Jig-jiga ka dib markii uu martiqaad rasmi ah ka helay gudoomiyaha baarlamaanka Dalka Ethiopia oo ku martiqaaday ka qaybgalka xuska maalinta qoomiyadaha Ethiopia oo sannadkan loo asteeyey in lagu qabto magaalada Jigjiga ee dawlad deegaanka Soomalida Ethiopia.

12/6/2013 11:46 AM EST
Jicmo, December 06, 2013 (HOL) — Xilli ay muddo koobani ka harsan tahay waqtiga ay dhici doonto doorashada madaxtinimada ee Puntland, ayaa waxaa si weyn dhammaan gobollada looga dareemayaa ololaha ay wadaan musharraxiinta u taagan xilka madaxweynenimada.

12/6/2013 8:35 AM EST
Jicmo, December 06, 2013 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa toogasho ku dilay goor dhow macallimad u dhalatay dalka Uganda oo lagu magacaabo Laylo oo wax ka dhigaysay Jaamacadda Soomaaliya oo ka mid ah jamaacadaha ku yaalla Muqdisho.

12/6/2013 7:11 AM EST
Jicmo, December 06, 2013 (HOL) — Dalka Koonfur Africa ayaa waayay shaqsi agtooda aad ugu weyn ,kaasi oo u soo dagaallamay xoriyadda wadankaasi, isla markaana ah hogaamiyihii ugu horeeyay oo madow ah oo madaxweyne ka noqda Koonfur Africa ka dib muddo 27-sano ah oo uu xabsi ku jiray.

12/6/2013 6:47 AM EST
Jicmo, December 06, 2013 (HOL) — Xildhibaan magaciisa lagu sheegay Maxamed Warsame Maxamed (Faysal) oo ka mid ahaa xildhibaannada baarlamanaka Soomaaliya ayaa ku dhintay qarax goor dhow ka dhacay illinka hore ee xarunta madaxtooyada Soomaaliya.

12/6/2013 5:38 AM EST
Jicmo, December 06, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Maxamed Maxamuud oo maanta -xilli uu ka dhoofayey garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe- warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in la aqoonsaday qofkii fuliyey qaraxii is-miidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

12/6/2013 1:58 AM EST
Jicmo, December 06, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha gobolka Banadir ahna duqa Muqdisho, Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa sheegay in maamulka uu madaxda u yahay uu ku guuleystay horumarinta adeegyada bulshada ee Gobolka Banaadir.

12/6/2013 1:57 AM EST
Jicmo, December 06, 2013 (HOL) — Xubno ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa gaaray degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellada dhexe si ay u dhexdhexaadiyaan beelo walaalo ah oo ay dagaallo ku dhexmareen bariga degmada Jowhar.