4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 2 , 2013
Baarlamaanka Somalia oo Kalsoonidii kala laabtay Xukuumadda Soomaaliya kaddib cod ay Xildhibaannadu u qaadeen (SAWIRRO)


Isniin, December 02, 2013 (HOL) — Waxaa lasoo gaba-gabeeyay codeyntii loo qaadayay xukuumadda ra’iisul wasaare Saacid, iyadoo xildhibaanada ay si aqlabiyad ah codka ugu diideen xukuumadda.

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Cismaan Jawaari ayaa ku dhawaaqay natiijada, isagoo sheegay in 249-xildhibaan ay codkooda dhiibteen, ayna 184 xildhibaan oo ka mid ahna ay ogolaadeen in xukuumadda kalsoonida lagala laabto, halka 65-mudanena ay ogolaadeen in xukuumaddu ay sii shaqeyso, mana jirto cid ka aamustay.

Prof. Jawaari ayaa sheegay in ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon uu sii shaqeyn doono inta uu madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh kasoo magacaabayo ra’iisul wasaare cusub, kaas oo xilka kala wareegi doona.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

Natiijadan ayaa timid kaddib saddex maalmood oo xildihibaannadu ay si adag uga doodeen mooshin ka dhan ah xukuumadda Soomaaliya oo ay soo gudbiyeen 168-xildhibaan oo ka tirsan kuwa baarlamaanka.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon ayaa maanta sheegay inuu aqbali doono go’aan walba oo kasoo baxa kulanka baarlamaanka, balse ma jirto hadda wax hadal ah oo kasoo baxay ra’iisul wasaaraha.

Mudane Saacid ayaa xilka hayay hal sano, waxaa uu sheegay maanta markii uu qaar ka la mid ah warbaahinta la hadlayay in isaga iyo madaxweynaha ay soo dhex-gashay khilaaf, kaasoo uu  sheegay inay heshiis ka gaareen, haddana aysan jirin wax khilaaf ah oo isaga iyo madaxweynaha u dhexeeya.

Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa sheegay in la qaban doono shir jaraa’id oo lagu faah-faahinayo codeynta iyo sida ay u dhacday, waxaana lagu wadaa dhanka kale inuu natiijadan ka hadlo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]  
Muqdisho, Soomaaliya