4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 2 , 2013
Xildhibaannada Baarlamaanka oo isku diyaarinaya in ay codka kalsoonida u qaadaan Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Saacid

Isniin, December 02, 2013 (HOL) — Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa isku diyaarinaya hadda inay codka kalsoonida u qaadaan xukuumadda Saacid, kaddib markii ay dhammaadeen hadalladii ay jeedinayeen xildhibaannadii ka hadlayay mooshinka baarlamaanka.

Guddoomiyaha Baarlamaanka, Maxamed Sh. Cismaan Jawaari ayaa hadda akhrinaya magacyada xildhibaanada ku sugan golaha shacabka, si codka kalsoonida loo qaado, codka loo qaadayo xukuumadda uu noqon doono mid gacan-taag ah.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon oo maanta hadlay ayaa sheegay inuu aqbalayo go’aan walba oo baarlamaanka kasoo baxa, isagoo xusay inuusan diyaar u ahayn inuu sameeyo wax dhihbaato dalka u horseedi kara.

Laakiin Ra’iisul wasaaraha ayaa ka dalbaday xildhibaanada inay codkooda siiyaan xukuumadda si ay howlaha ay qabatay halkaas uga sii wado, isagoo ka digay in dalka dhibaato la geliyo.

Xildhibaannadii hadallada ka jeediyay maanta golaha shacabka ayaa si aad ah ugu kala aragti duwanaa mooshinka laga keenay xukuumadda iyadoo qaar ka mid ah xildhibaannadu ay sheegeen in mooshinka uu yahay mid sax ah, halka kuwo kalena ay sheegeen inuu yahay mid caqbaad ku ah dalka.

Dhanka kale, guddoonka baarlamaanka Soomaaliya ayaa diiday codsi ay u soo gudbiyeen 21-xildhibaan oo dalbanaya in ra’iisul wasaaraha loo ogolaado inuu hadal is-difaacid ah ka jeediyo golaha, iyadoo guddoonku ay sheegeen in go’aanku uu yahay kii shalay la gaaray oo aan dib loogu laaban doonin.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya