4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 2 , 2013
Xildhibaannada Baarlamaanka oo mar kale Maanta ka Doodaya Mooshinka laga keenay Ra'iisul Wasaaraha iyo Xukuumaddiisa


Isniin, December 02, 2013 (HOL) — Maanta ayaa lagu wadaa inay mar kale ka doodaan xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya mooshinka ka dhanka ah xukuumadda uu hoggaaminayo ra’iisul wasaare Saacid, iyadoo qorshuhu yahay in maanta lasoo gaba-gabeeyo doodda.

Waxaa lagu wadaa inay maanta hadlaan xildhibaannadii ay shalay u suuro-geli wayday inay hadlaan, iyadoo haddii uu dhammaado hadalka xubnahan lagu wado in codka kalsoonida ah loo qaado xukuumadda.

Inkastoo uu socdo kulanka lagu doonayo in codka loogu qaado xukuumadda ayaa haddana waxaa shalay ay xildhibaannadu diideen inay dhageystaan hadal uu u jeedin lahaa ra’iisul wasaaraha Soomaaliya kaasoo ahaa mid uu isku difaacayo.

Xildhibaanno badan oo ka tirsan baarlamaanka ayaa arrintaas ku sheegay mid khalad ah oo aad looga xumaado, halka kuwo kalena ay ku sheegeen in ay tahay mid sax ah oo xukuumaddu ay tahay mid guul-darreysatay.

Si kastaba ha ahaatee ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay inay ku adkeysanayaan in la siiyo fursad ay isku difaacaan, isagoo xusay in wixii la sameeyo isagoo aan waxba ka ogeyn ay tahay mid aanay waxba ka jirin.

Wararka ku saabsan doodda ay baarlamaanku yeelanayaan iyo wixii kusoo kordha waxaad kula socon doonaa wararkeenna dambe haddii ALLE ogolaado.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya