4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 18, 2013
MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA: "Kooxihii ka dambeeyay dilkii dhakhaatiirta Waa in si deg-deg ah sharciga loo hor keenaa"

Arbaco, December 18, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh. Maxamud ayaa si kulul u cambaareeyey dilkii waxashnimada ahaa ee lagu dilay maanta dhakhaatiir Siiriyaanka iyo Soomaalida isugu jiray oo ka dhacay deegaanka Siinka dheer ee duleedka magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa ku tilmaamay falkaas mid lagu doonayo in sumcadda, karaamada yo sharafka Soomaaliya wax loogu dhimo, isla markaana lagu tuso caalamka in Soomaaliya aysan nabadi ka jirin.

“Dowladda waxaa ka go'an in lasii wado nidaamka lagu soo celinayo kala danbeynta, dowladnimada, sumcadda, karaamada iyo sharafka ummadda Soomaaliyeed,” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya.

Sidoo kale, madaxweynaha ayaa sheegay in hay'adaha amniga oo ku howlan baaritaanka falkan ay soo dadajiyaan, isla markaana ay kuwii ka dambeeyay falka dilka dhakhaatiirta sharciga la horkeeno.

Falkan lagu dilay dhakhaatiirta Siiriyaanka iyo Soomaalida isugu jira wuxuu ka dhacay maanta barqadii duleedka Muqdisho, xilli ay ku socdeen isbitaalka Fiqi oo ay howlo caafimaad ka fulin rabeen, waxaana toogasho lagu dilay lix qof oo saddex ka mid ah ay ahaayeen dhakhaatiir Suuriyaan ah, dhakhtar Soomaali ah iyo laba qof oo kala ahaa darawalkii iyo mid ka mid ah ilaaladii ay wateen dhakhaatiirta.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa shacabka iyo dowladda Siiriya dilkaas uga tacsiyeeyay, isagoo sheegay in dhakhaatiirtan ay dhinteen iyagoo doonaya in ay caawiyaan shacabka Soomaaliyeed.

Dhanka kale, ergayga Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya, dajire Nicholas Kay ayaa isaguna ku tilmaamay falka lagu dilay dhakhaatiirtan mid arxan-darro ah oo loo gesytay dhakhaatiir ku howlanaa inay Soomaalida ka caawiyaan dhinaca caafimaadka.

“Soomaaliya, weli waxay la tacaalaysaa dib u dhiska hay’adaha caafimaadka, waana u mahadcelinaynaa hay’adaha ku howlahan inay nolosha shacabka Soomaaliyeed ka badbaadiyaan,” ayuu yiri ergayga oo intaas ku daray: “Si adag ayaan u cambaareynayaan weerarka lagu dilay dhakhaatiirta, waxaana dowladda Soomaaliya ku boorrinayaa inay baaritaan ku sameyso dambiilayaashii falkaas foosha xun geystay, si sharciga loo horkeeno.”

Dilkan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay noociisa oo dalka Soomaaliya loogu geysto dhakhaatiir Suuriyaan ah oo howlo caafimaad dalka u joogay, iyadoo aan la ogeyn kooxaha ka dabeeya dilka, iyadoo Al-shabaab oo dagaal kula jirta dowladda Soomaaliya ayaa iska fogeysay inay dilkaas.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya