4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 18, 2013
Kulamo Beledweyne uga socda Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo Waxgaradka kasoo jeeda beelo dagaalamay

Arbaco, December 18, 2013 (HOL) — Inkastoo marka la eego colaadda ka jirta deegaanka Kabxanley ee gobolka Hiiraan muddo dheer soo jirtay, marar badanna lagu guul-dareystay dadaalo la doonayay in lagu soo afjaro colaada, ayaa haddana waxaa muuqata in wali aan laga quusan dhameynta khilaafka u dhaxeeya labada dhinac oo dagaal dhawaan dhaxmaray ay ku naf-waayeen ku dhawaad 10 ruux tiro intaa ka bandanna ku dhaawacmeen.

Saacadihii ugu danbeeyay waxaa magaalada Beledweyne kulamo aan loo kala kicin oo is daba joog ah ku lahaa mas’uuliyiinta ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya oo uu horkacayo wasiirrka Kheyraadka C/risaaq Cumar Max’ed iyo waxgaradka beellaha dirirtu ka dhaxeyso.

Waxaase marka dhinaca kale la eego kulamada barbar socda shirar hoose oo ay leeyihiin odayaasha dhinacyada iska soo horjeeda oo lagu gor-feynayo dadaallada nabadeed ee socda.

Maalin ka hor xubnaha wafdiga ka socda dowladda federaalka Soomaaliya, mas’uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan iyo saraakiisha ciidamada Jabuuti ee midowgga Africa AMISOM ayaa gaaray deegaannka Kabxanley oo dhawaan dagaal culus uu ku dhaxmaray maleeshiyada labada garab iyaga oo u kuur-galayay khasaaraha ka dhashay dagaallka.

Sidoo kale, booqashadooda ayaa aheyd mid ku saleysan in ay kulamo la yeeshaan bulshada deegaannka, iyaga oo kala hadllaya macluumaad la xiriira khilaafka jira iyo in wax kasta oo leysku hayo lagu dhameeyo wada hadal, hasse ahaatee ma jirto cid kala hadashay warbaahinta natiijada booqashada wafdiga ee deegaannka Kabxanley.

Odayaal iyo waxgarad si gooni gooni ah ula hadllay HOL ayaa sheegay in xal u hellida colaada ka taagan deegaannka Kabxanley aan lagu dhameyn karin oo kaliya labo ama sadex fadhi [Kulan] madaama leysku hayo sida ay hadalka u dhigeen lahaanshaha deegaannka oo dhinac walba uu gaar u sheeganayo, waxaan ay intaa ku darreen in khilaafka noocaas oo kale ah u baahan yahay waqti iyo xog-ogaalnimo dheeraad ah.

Kulamada hadda socda waxaa ka horeeyay is aragyo kala duwan oo ay horay u yeesheen xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka iyo waxgaradka labada dhinac oo hishiisyo dhowr ah lagu gaaray, laakiin hishiisyadaasi ma noqon kuwo najaxa oo waxaa ka danbeeyay dagaallo culus oo dad badani ku dhinteen.

Xubnaha wafdiga ka socda dowladda ee ku sugan magaalada Beledweyne oo kaashanaya maamulka gobolka ayaa u muuqda kuwo xooga saaraya in mar uun laga faraxasho colaada soo noq-noqotay ee deegaannka Kabxanley, wallow wax natiijo ah laga gaarin kulamadii ugu danbeeyay ee dhacay.

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud ayaa ku baaqay in deg deg loo joojiyo dagaallo beelleedyada ka socda gobollada Shabeellaha hoose, Shabeellada dhexe iyo Hiiraan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya