3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 18, 2013
Boqolaal qof oo ku dhintay Dagaalladii Koonfurta Sudan iyo Madaxweyne ku xigeenkii hore oo iska fogeeyay eedeyn Afgambi



Arbaco, December 18, 2013 (HOL) — Dagaalladii maalmahan ka socday dalka Koonfurta Suudaan ayaa la sheegay inay ku dhinteen dad ka badan 500-qof oo rayid iyo ciidammo isugu jiray, iyadoo madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalkaas, Riek Machar ayaa isna iska fogeeyay inuu abaabulay afgambi uu ku doonayay inuu talada kaga tuuro madaxweynaha dalkaas, Salva Kiir.

Sarkaal u hadlay Qaramada Midoobay ayaa sheegay in cabsi ay ka qabaan in dagaallada ka socda Koonfurta Suudaan ay isku bedelaan kuwo sokeeye, iyadoo Qaramada Midoobay ay ugu baaqday shaqaalaha rayidka ah ee u shaqeeya inay ka baxaan dalkaas.

“Labaatan kun oo qof oo shacabka Koonfurta Suudaan ka tirsan ayaa magan-galyo ahaan u galay xero ay ciidamada nabada ilaalinta Qaramada Midoobay ku leeyihiin magaalada Jubba ee xarunta dalkaas,” sidaa waxaa warbaahinta u sheegay danjiraha Faransiiska u fadhiya Koonfurta Suudaan, Gerard Araud.  

Sidoo kale, hay’adaha caafimaadka ee ka howlgala Koonfurta Suudaan ayaa iyaguna sheegay in 800 oo qof oo kale ay dhaawacyo kala duwan dagaallada kasoo gaareen, kuwaasoo lagu daweynayo isbitaallo kala duwan oo Jubba ku yaalla.

Ganacsade Soomaaliyeed ayaa ka mid ah dadka lagu dilay dalka Koonfurta Suudaan, gaar ahaan xaruntiisa Jubba, kaddib markii goob ganacsi oo uu ku sugnaa ay u galeen ciidammo hubeysan oo muran dhexmaray kaddib ku dhex-toogtay dukaankiisa.

Dhanka kale, madaxweyne ku xigeenkii hore ee Koonfurta Suudaan, Riek Machar ayaa beeniyay inuu qayb ka ahaa afgembi ay dowladda sheegtay inay fashilisay. Iyadoo dowladdu ay sheegtay inay ku raad-joogto sidii ay ku soo qaban lahayd.

“Dowladda uu hoggaamiyo Salva Kiir waxay doonayso inay qalalaasaha socda u adeegsato inay meesha ka saarto dadka kasoo horjeeda,” ayuu yiri Machar oo aan sheegin halka uu ku sugan yahay.

Madaxweynaha Koonfurta Suudaan, Salva Kiir Mayardit ayaa habeenno ka hor sheegay in militeriga dalkaas uu fashiliyay afgembi ay qabanqaabiyeen siyaasiyiin ay iska soo horjeedaan oo uu ku jiro madaxweynihii hore oo uu shaqada ka eryay bishii July ee sannadkan.

Dalka Koonfurta Suudaan ayaa tan iyo markii ay billowdeen dagaallada ka socda waxaa la xirxiray ugu yaraan 10 ruux oo horay wasiirro u ahaa, iyadoo dalkaas la geliyay xaalad deg-deg ah, inkastoo ay weli meelo ka mid ah ka dhacayaan dagaallo u dhexeeyay ciidammada dalkaas oo habab beeleed u abaabulan.

Koonfurta Suudaan ayaa xornimaddeeda ka qaadatay Suudaan sannadkii 2011-ka, kaddib tobanaan sano oo labada dhinac ay dagaallamayeen, iyadoo dagaalladan socda ay walaac xooggan geliyeen dalal badan oo xiriir uu kala dhexeeyo Koonfurta Suudaan.

Xiisad ayaa ka aloosnayd dalkaas tan iyo bishii toddobaad ee sannadan oo madaxweyne Salva Kiir Mayardit uu xilka ka qaaday xubno fara badan oo xukuumaddiisa ka mid ah, kuwaasoo uu ku jiro madaxweyne ku xigeenkiisii hore, Riek Machar oo hadda dhuumaaleysi ku jira.

Riek Machar ayaa horay u sheegay inuu doonayo inuu Salva Kiir tartan kula galo doorashada madaxweynenimo ee la qaban doono sanadka 2015-ka, iyadoo aan la ogeyn in taasi ay saldhig u tahay khilaafka labada mas’uul soo dhexgalay.

Haweeneydii uu ka dhintay hoggaamiyihii hore ee jabhaddii SPLA ee tobanka sano u dagaalamaysay xorriyadda Koonfurta Suudaan ayaa ku eedeysay Kiir inuu doonayo inuu xukunka keligiis isku koobo, iyadoo sheegtay in xubnaha xisbiga ay doonayaan in isbedel la sameeyo,

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Koonfurta Suudaan, Riek Machar ayaa ka soo jeeda qabiilka Nuweer oo ka mid ah qabaa’illada ugu waaweyn dalkaas oo ku eedeeya qabiilka uu kasoo jeedo Salva Kiir ee Dinka inay talada dalka iyagu isku koobeen.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
12/18/2013 1:54 PM EST
Arbaco, December 18, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh. Maxamud ayaa si kulul u cambaareeyey dilkii waxashnimada ahaa ee lagu dilay maanta dhakhaatiir Siiriyaanka iyo Soomaalida isugu jiray oo ka dhacay deegaanka Siinka dheer ee duleedka magaalada Muqdisho.

12/18/2013 1:15 PM EST
Arbaco, December 18, 2013 (HOL) — Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo lagu magacaabi jiray, Xasan Maxamuud Cali (Sokoliin) ayaa caawa xanuun awgiis ugu geeriyooday magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

12/18/2013 1:13 PM EST
Arbaco, December 18, 2013 (HOL) — Olole nadaafadeed ayaa maanta ka billowday magaaladda Buuhoodle iyo deegaannada hoos yimaada taasoo looga gol-leeyahay sidii loo sugi lahaa caafimaadka iyo bilicda magaalada.

12/18/2013 11:17 AM EST
Arbaco, December 18, 2013 (HOL) — Garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa maanta laga hirgeliyay xafiis cusub oo lagu diiwaan-gelinayo shaqaalaha ajaanibta ah ee dalka imaanaya, isla markaana lagula soconayo howlaha ay dalka ka hayaan.

12/18/2013 10:46 AM EST
Arbaco, December 18, 2013 (HOL) — War kasoo baxay xafiiska ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya ayaa lagu canbaareeyay dagaallada sokeeye ee ka socda qaybo kamid ah gobollada koonfureed ee Soomaaliya oo ay ku jirto shabeellada Hoose.

12/18/2013 10:22 AM EST
Arbaco, December 18, 2013 (HOL) — Sarkaal u hadlay Al-shabaab ayaa sheegay inay dib u furteen khaanaddii ay Twitter-ka ku lahaayeen kaddib laba bilood markii dhowr jeer laga xiray khaanado ay ka furteen shabakaddan ay dadweynuhu ku xiriiraan.

12/18/2013 8:58 AM EST
Arbaco, December 18, 2013 (HOL) — Booliiska dalka Tanzania ayaa xiray ugu yaraan 38 qof oo dumar u badan, kuwaasoo lagu eedeeyay inay ku sameeyeen gudniinka fircooniga ah koox gabadho ah, kuwaasoo ay ku jireen gabadho da’dooda lagu sheegay saddex sano jir.

12/18/2013 8:30 AM EST
Arbaco, December 18, 2013 (HOL) — Inkastoo marka la eego colaadda ka jirta deegaanka Kabxanley ee gobolka Hiiraan muddo dheer soo jirtay, marar badanna lagu guul-dareystay dadaalo la doonayay in lagu soo afjaro colaada, ayaa haddana waxaa muuqata in wali aan laga quusan dhameynta khilaafka u dhaxeeya labada dhinac oo dagaal dhawaan dhaxmaray ay ku naf-waayeen ku dhawaad 10 ruux tiro intaa ka bandanna ku dhaawacmeen.

12/18/2013 5:59 AM EST
Arbaco, December 18, 2013 (HOL) — Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil maanta barqadii afar dhaqatar iyo laba qof oo kale oo midkood uu ahaa darawalkii dhakhaatiirta iyo ruux ilaalo u ahaa loogu geystay deegaan lagu magacaabo Siinka dheer oo Muqdisho 15-km dhinaca koonfureed kaga beegan.

12/18/2013 4:41 AM EST
Arbaco, December 18, 2013 (HOL) — Waxaa goor dhow deegaanka Siinka Dheer oo ku yaalla duleedka magaalada Muqdisho lagu diley afar dhaqtar oo saddex ka mid ahi ay ahaayeen dhaqaatiir u dhalatay dalka Suuriya, halka midka afraadna uu Soomaali ahaa.

12/17/2013 11:53 PM EST
Arbaco, December 18, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamud ayaa shalay waraaqihii aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay danjiraha cusub ee Denmark u joogi doona Soomaaliya, H.E. Geert Aagaard Andersen.

12/17/2013 11:51 PM EST
Arbaco, December 18, 2013 (HOL) — Munaasabad uu soo qaban-qaabiyay ururka Shanta Link oo ay ku midaysan yihiin dhallinyaro Soomaaliyeed oo wax-ka-barata Jaamacadaha gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka, kana shaqeeya ilaalinta dhaqanka Soomaaliyeed iyo sare u qaadida waxbarashada ayaa lagu qabay magaalada Minneapolis iyadoo ay kasoo qaybgaleen dad aad u fara badan oo isugu jiray qaybaha bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolka Minnesota.

12/17/2013 11:47 PM EST
Arbaco, December 18, 2013 (HOL) — Xildhibaanad Caasho Xaaji Cilmi ayaa shalay lagu guddoonsiiyay billada caalami ah oo ka tarjumaysa ka qaybgalka geeddi-socodka nabadda haweenka Soomaaliya.