4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 18, 2013
Olole Nadaafadeed Maanta ka billowday degmada Buuhoodle iyo qashin aad u badan oo Magaaladaas laga saaray (SAWIRRO)


Arbaco, December 18, 2013 (HOL) — Olole nadaafadeed ayaa maanta ka billowday magaaladda Buuhoodle iyo deegaannada hoos yimaada taasoo looga gol-leeyahay sidii loo sugi lahaa caafimaadka iyo bilicda magaalada.

Noocyada kala duwan ee gaadiidka ayaa lagu arkayay gudaha magaalada iyagoo qaadaya qashinka fara badan oo magaaladda dhexyaallay, kuwaasoo ay dadka magaaladu soo ururiyeen, iyagoo kusoo daadinayeen godad waa-weyn oo loo qoday in qashinkaas lagu aaso kuwaasoo duleedka magaalada ku yaalla.

Guddoomiye ku xigeenka golaha deegaanka Buuhoodle, Maxamuud Cali oo ka hadlay goobta aya asheegay in ololahan uu yahay tallaabo magaalada looga nadiifinayo qashinka xilligan jiilaalka ah oo ay dhacaan dabeylo isla si ay aanay dadku cudurro uga qaadin.

Sidoo kale, Maxamuud Cali ayaa hadalkisa ku daray inay nadaafaddan ay socon doonto maalmaha soo socda illaa laga xaqiijinayo nadaafada guud ee magaalada Buuhoodle iyo deegaannada hoos yimaada.

Qaar ka mid ah bulshada Buuhoodle oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan ololahan nadaafadeed ee golaha deegaanku ay ka billaabeen degmadooda.

Dawladda hoose ee Buuhoodle ayaa intii ay jirtay dhawr mar ololaha oo kale ka samaysay magaalada, iyadoo mas’uuliyiinta golaha deegaanku sheegeen inay sameyn doonaan wax walba oo lagu ilaalinayo nadaafadda magaalada iyo caafimaadka bulshada ku nool.




Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool