4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 10, 2013
Al-shabaab oo Degmada Baraawe ku Qabatay Tartan Mehrijaan ah oo ay ka Qab-galeen Dadweyne fara badan (SAWIRRO)


Sabti, August 10, 2013 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa tartan mehrijaan ah ku qabatay shalay gellinkii dambe degmada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose, kaasoo ay ka qaybgaleen dadweyne fara badan.

Mehrijaankan ayaa isugu jiray qaybo kala duwan oo ay ka mid ahaayeen, dabaasha, tartanka doomaha, orodka, xarig-jiidka, toogashada, mootooyin lagu tartamayo, raashin cunis, bootin iyo kuwo kale oo fara badan.

Tartanka ayaa ka dhacay xeebta degmada Baraawe, waxaana tartanka uu noqoday mid soo jiitay dadweyne fara badan oo ku nool degmada Baraawe, waxaana qaarkood oo hadlay ay sheegeen inaysan weligood arag tartankan oo kale.

Dadka mehrijaanka ka qaybqaadanayay ayaa waxay ka socdeen degmooyin kala duwan oo ku yaalla gobolka Shabeellada Hoose, sida degmada Marko, Baraawe iyo deegaanka Buulo-mareer.

Sidoo kale, tartankan ayaa waxaa ka qaygalay dagaalyahannada Al-shabaab oo iyagu ku tartamayay toogashada fog iyo doomaha, waxaana dadweynihii daawanayay ay isugu jireen, rag, dumar iyo caruur qaarkood yimid degmooyin ka tirsan gobolka Shabeellada hoose.

Xoogagga Al-shabaab ayaa tartanka kusoo bandhigay habka dagaallada loo galo, iyagoo rasaas run ah ku tooganayay tabeellayaal la suray xeebta si aysan waxyeello ugu geystay shacabka rasaasta ay ridayaan.

Shaqsiyaadkii ku guuleystay tartanka ayaa waxaa la guddoonsiiyay abaal-marinno kala duwan, iyadoo abaal-marinnadaas uu guddoonsiiyay Sheekh Maxamed Abuu-Cabdalla oo ah madaxa Al-shabaab ee gobolka Shabeellada Hoose.
















Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya