4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 10, 2013
Maamulka Puntland oo ka celiyay Dekedda Boosaaso Markab siday Raashin ay ku deeqday Hay'adda Bisha Cas ee Turkiga

Sabti, August 10, 2013 (HOL) — Dowladda Puntland ayaa dib u celisey markab sidey raashin ay ku deeqday hay'adda Bisha Cas ee dalka Turkiga. Markabkan ayaa dhowaan soo gaarey dekedda magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Guddi wasiiro ah oo ay dowladda Puntland arinta markabkan u saartay ayaa go'aamiyey in deeqdan raashinka ah dib loogu celiyo magaalada Muqdisho oo markii horeba laga soo diray.

Wasiirrada guddigan xubana ka ah oo kala ah: wasiirka amniga, wasiirka maaliyadda, wasiirka arimaha gudaha iyo dowladaha hoose, wasiirka dekedaha iyo gadiidka badda iyo wasiirka warfaafinta iyo Isgaarsiinta ayaa war-saxaafadeed ay si wada jir ah usoo saareen arintan ku faahfaahiyey.

Deeqdan raashinka ah oo u badan Bariis, islamarkaana ku wajahneyd degmooyinka Isku-Shuban, Taleex iyo Gal-dogob ayey wasiirradu ku tilmaameen in ay tahay mid lagu khalkhal gelinayo ammaanka iyo xasiloonida Puntland.

Waxay sidoo kale sheegeen in Puntland aan lala soo socodsiin, lagalana tashan go'aanka deeqdan raashinka ah ee ay bixisay hay'adda Bisha Cas ee Turkigu loogu soo diray deegaanada Puntland.

“Qaabka sharci-daradda ah ee raashinkaan lagu soo diray iyo baalmarista Dowladda Puntland waa mid xadgudub ku ah Dowladda Puntland iyo shuruucda dalka..." War-saxaafadeedka ayaa sidaas lagu sheegay.

Arrintan ayaa kusoo aadeysa xilli dhowaan ay dowladda Puntland shaacisay in ay xiriirka u jartay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya. Puntland ayaa tallaabadaas ay qaaday sabab uga dhigtay xadgudub ay sheegtay in xukuumadda Muqdisho ay ku sameysey dastuurka dalka iyo heshiisyadii ay labada dhinac horay u wada gaareen.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya