4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 10, 2013
Dagaal culus oo Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo xoogagga Al-shabaab ku dhexmaray Duleedka Degmada Ceelbarde

Sabti, August 10, 2013 (HOL) — Ugu yaraan lix ka mid ah dhinacyadii dagaalamay ayaa ku dhintay tobaneeyo kalena way ku dhaawacmeen dagaal culus oo ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab ku dhexmaray xalay duleedka degmada Ceelbarde ee gobolka Bakool.

Dagaalkan ayaa la sheegay inuu ahaa mid culus uuna dhashay markii ciidamada dowladda Soomaaliya ay weerar ku qaadeen fariisimo ay duleedka degmadaas ku lahaayeen xoogagga Al-shabaab.

“Xalay waxaa duleedka degmada Ceelbarde ka dhacay dagaal culus oo u dhexeeya ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Al-shabaab, deegaannadii lagu dagaalamayna waxaa hadda ku sugan ciidamada dowladda,” ayuu yiri mid ka mid ah saraakiishii hoggaaminaysay dagaalka.

Sarkaalku ma sheegin khasaaraha ka dhashay dagaalka, waxaase uu xusay inay jiraan khasaarooyin labada dhinacba soo gaaray, balse goobjoogayaal ayaa sheegay inay arkeen maydad iyo dhaawacyo.

“Waxaan aragnay dhimashada lix qof oo dhinacyadii dagaalamay ah 11-qof oo dhaawacyo ah, kuwaasoo isugu jiray ciidamada dowladda iyo Al-shabaab,” ayuu yiri goobjooge ku sugnaa deegaannada lagu dagaalamay oo ay warbaahintu soo xigatay.

Mas’uuliyiinta gobolka Bakool ayaa sheegay in qorshaha dagaalkan uu ahaa si Al-shabaab looga saaro deegaannada ay ku sugan yihiin eek u dhow Ceel-barde, halkaasoo ay kasoo abaabuli jireen dagaallada.

Gobolka Bakool ayaa waxaa kuwada sugan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Al-shabaab, waxaana inta badan ka dhaca dagaallo khasaare badan geystay oo dhexmara labada dhinac.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya