4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 24, 2013
Ra’iisal Wasaaraha Somalia oo Kormeeray Saldhiyo laguTababaro Ciidamada, Wasaarado iyo Xarumo kale (SAWIRRO)


Arbaco, Abriil 24, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shir-doon (Saacid) ayaa maanta kormeeray xarumo kala duwan oo ay ka mid ahaayeen saldhigyada tababarka ciidamada dowladd, kuwaasoo ay ka mid ahaayeen: wasaaradda gaashaandhigga, dugsiga tababarka booliiska ee Jeneraal Kaahiye (Ex. Iskool Bulisiyo), xerada Jasiira, taliska ciidanka nabadsugidda Qaranka, taliska gaadiidka booliska Soomaaliyeed, xarunta maamulka gobolka Banaadir iyo wasaaradda warfaafinta, isgaarsiinta iyo gaadiidka.

Kormeerkan ayaa waxaa ra’iisul wasaaraha ku wehliyay wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka, C/kariin Xuseen Guuleed, wasiirka difaaaca, C/xakiin Maxamuud Xaaji Faqi, wasiir-ku-xigeenada warfaafinta, C/shakuur Cali Mire, Ibraahim Yarow Isaaq  iyo taliyaha ciidanka xoogga dalka Jen. Daahir Aadan Cilmi (Indha-qarsho).

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kormeerkiisa ka billaabay xarunta wasaaradda gaashaandhgga, isagoo halkaasi kula hadlay boqolaal ka tirsan ciidanka xoogga dalka; kuwaasoo tababar kusoo qaatay dalka Uganda, isla markaana la siinayay casharo dheeraad ah oo ku aaddan wadaniyadda, difaaca dalka iyo adaabta ciidanka.

“Booqashada aan idin kugu nimid waxay qayb ka tahay dhiirri-gelinta ciidanka Qaranka, waxaana idiin caddeynayaa inaad tihiin rajada dawladnimada iyo dib u soo celinta Qarankii Soomaaliyeed,” ayuu yiri Saacid oo xusay in marxaladda adag ee maanta la marayo ay ciidamadu u yihiin laf-dhabar sidii looga bixi lahaa.

“Weerarkii bahalnimada ahaa ee lagu qaaday xarunta maxkamadaha dalka ay ku shaqeeyaan, waxay qatar weyn gelisay jiritaanka ummadda, waxaana idin kaga fadhinaa inaad ka hortagtaan falalkaas iyo kuwa la midka ah,” ayuu hadalkiisa ku daray, isagoo tilmaamay in falalka caddowgu aysan la leexin doonin dariiqa saxda ah iyo dib u soo celinta sharafkii iyo karaamadii ummadda Soomaaliyeed.

Sidoo kale, ra’iisul wasaaraha iyo xubnaha wasiirrada ah ee la socday ayaa tagay xarunta tababarka ciidanka ee Jen. Kaahiye, waxaana halkaasi ku sugnaa ciidamada booliisa ah oo isugu jiray rag iyo dumar kuwaasoo tababar kusoo qaatay dalka Jabuuti.

“Farxad ayay i gelisay sida aad ugu diyaarsan tihiin inaad naftiina u hurtaan difaaca iyo sugidda amniga dalkiinna, waxaana la idin kaga fadhiyaa inaad xasilisaan Muqdisho, kana sifeysaan argagixisada shacabka laynaysa” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha oo intaasi sii raaciyay. “Waa inaad kooxda Al-shabaab ka dhigtaan kuwo malahooda ku hungooba.”

Intaasi kaddib, ra’iisul wasaare Saacid ayaa kormeerkiisa ku tagay xerada tababarka ciidanka ee Jasiira, halkaasoo lagu tababarayo ciidammo gaaraya kun askari, waxaana tababarkan bixinaya saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, iyadoo tababarku uu u socdo muddo saddex bilood ah.

“Sababta aan idiin soo booqanay iyadoo weli tababarku idiin socdo waxaa ka mikd ah sida aad muhiimad noogu leedihiin, aana idin kugu han-weynnahay, waxaana la idinka doonayaa inaad noqotaan ciidan dhab ah oo shacabkiisa difaaca,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha oo kula dardaarmay askartaas inay ka hortagaan caddowga shacabka dhibaateynaya.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale kormeeray xarunta gobolka Banaadir oo saldhig u ah hay’ado kala duwan ka tirsan dawladda, waxaana halkaasi uu warbixin uga dhegeystay guddoomiyaha gobolka Banaadir, Maxamuud Axmed Nuur Tarsan isagoo uga warbixiyay howlaha maamulkiisu ku howlan yahay iyo bilic soo celinta magaalada.

Sidoo kale, ra’iisul wasaaraha ayaa kormeeray xarunta ciidanka nabadsugida Qaranka, isagoo bogaadiyay howlaha ay u hayaan ummadda, wuxuuna kula dardaarmay in amniga Qaranka uu ku xiran yahay sida ay u helaan xogaha caddowga isla markaana looga hortago falalka lagu dhiabateynayo shacabka.

Mudane Saacid iyo wafdigiisa ayaa waxay kormeer ku tageen xarunta wasaaradda warfaafinta, isgaarsiinta iyo gaadiidka, halkaasoo uu kula kulmay dhamaan shaqaalaha wasaaradda, isagoo uga tacsiyadeeyay geerida ku timid wariye Maxamed Ibraahim Raagge oo ay maalintii Axada ay koox hubeysan ku toogteen gurigiisa oo ku yaala degmada Dharkeynley ee magaalada Muqdisho.

“Waxaan maanta halkan u imid inaan idin la qaysado qeybsado tiiraanyada iyo tacsida wariye Raagge oo ahaa geesi naftiisa u huray Qarankiisa,” ayuu yiri Saacid oo ku boorriyay shaqaalaha warbaahinta Qaranka inaysan ka niyad-jabin dhagarta cadowga basle ay sii laba-laabaan howlahooda Qaran si loo cirib-tiro argagixisada.

Ugu dambeyn, ra’iisul wasaaraha ayaa tilmaamay in howsha warbaahinta Qaranka ay tahay howl muhiimad gaar ah u leh shacabka iyo dawladda, isagoo tilmaamay in cadowga ay uga daran tahay rasaasta, maadaama ay daqiiqadiiba gaarsiinayaan malaayiin qof dhibaatooyinka ay Al-shabaab u geysato shacabka Somaaliyeed,

“Qoriga kaliya lagulama dagaalamayo argagixisada ee waxaa qaybta ka ah dagaalka laugla jiro warbaahinta waana midda ugu muhiisan, gaar ahaan tan qaranka oo muujinaysa guul-darrada caddowga,” ayuu hadalkiisa kusoo af-jaray ra’iisul wasaare Saacid.
















Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya