4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 24, 2013
Urur ay leeyihiin Ardyda Jaamacadda Nugaal ee Magaalada Laascaanood wax ka barta oo Doortay Guddoomiye cusub (SAWIRRO)


Arbaco, Abriil 24, 2013 (HOL) — Munaasabad lagu dooranayay guddoomiyaha ururka ardayda jaamacadda Nugaal ayaa lagu qabtay xarunta jaamacadaasi ee magaalada Laascaanood xarunta gobolka Sool.

Madasha lagu dooranayay hoggaanka ururka NUSGED ayaa waxaa fadhiyay 40-xubnood oo ka mid ah golaha dhexe ee ururkaa iyadoo ay xilka hoggaanka isku soo sharexeen laba xubnood oo kala ahaa, Aamina C/raxmaan iyo Cawil C/llaahi Shareeco.

Goobta doorashada oo ay ka muuqatay deggenaan iyo qaban-qaabo laga soo sheqeeyay ayaa waxaa halkaasi codayntii kaddib ku guulaystay, Cawil Shareeco oo noqday guddoomiyaha ururkaas labada sano ee soo socda isagoo ku guulaystey 87% codadkii la bixiyay.

Ururka NUSGED oo la aasaasay waqti haatan laga joogo laba sannadood ka hor ayaa wuxuu u muuqday mid hawlo badan ka fuliyay Laascaanood iyo guud ahaan gobolka iyo deegaanno ka baxsan.

Xubnaha ururku waxay ololayaal nadaafadeed ka bixiyeen meelo badan oo dhibaato caafimaad xumo ay ka jirtay, waxaana sidoo kale ay beereen dhir kala duwan si ay bilicda magaalada u hagaajiyaan.

Ururkan ayaa isku hawlay inay sannadkiiba mar soo maraan dugsiyadda sare ee degaannadan ka jira; iyagoo aqoon kororsi iyo dhiirri-gelin u sameeyay ardayda wax ka barata dugsiyadaas.

Maamulkan cusub ee haatan la wareegay ururka laga eegayaa waxay kusoo kordhiyaan bulshada ku dhaqan gobolka oo naawilaysa waxay ku soo kordhiyaan.




Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool