4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 24, 2013
Al-shabaab oo sheegtay inay Askar fara badan ku dileen Weeraro ay AMSIOM kula beegsatay Koonfurta Soomaaliya

Arbaco, Abriil 24, 2013 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa sheegtay inay 12-askari oo Kenya ah ku dileen weerar gaadmo ah oo shalay ka dhacay deegaanka Dhoobleey ee gobolka Jubbada Hoose, ayna ku dhaawaceen isla weerarkaas 15-askari oo Kenyan ah.

Afhayeenka howlgallada ee Al-shabaab, Sheekh C/casiis Abuu-Muscab oo wareysi siiyay idaacad ku hadasha afka Al-shabaab ayaa sheegay in weerarkaas uu ka mid ahaa weerarro ay muddo ka shaqeynayeen, balse ma uusan sheegin in weerarkaas uu kasoo gaaray khassaare.

“Mujaahidiintu waxay dhurnimadii maanta (Talaadadii) kamiin weerar jid-gal ah u dhigeen kolonyo gaadiid ah oo ay wateen ciidamada Kenya, kuwaasoo kasoo tagay deegaanka Dhoobley kuna wajahnaa deegaanka Hoosingoow ee isla gobolka Jubbada Hoose; halkaas waxaa ka qarxay dagaal dagaal culus oo hubka noocyadiisa kala duwan la isku adeegsday. Waxaa lagu dilay 12 ka mid ah askarta Kenya  15-kalena waa lagu dhaawacay,” ayuu yiri Sheekh C/casiis Abuu-Muscab.

Afhayeenku wuxuu sheegay in intii uu dagaalku socday ay ciidamada Kenya u yimaadeen diyaarado kala qaybqaata dagaalka; isagoo aan ka hadlin khasaaraha dhankooda kasoo gaartay dagaalkaas culus.

Ma jiro hadal kasoo baxay saraakiisha ciidamada Kenya ee qaybta ka ah AMISOM oo ku saabsan dagaalkii ay shalay la galeen xoogagga Al-shabaab, balse goobjoogayaal ku sugan halka uu dagaalku ka dhacay ayaa xaqiijiyay inuu jiray dagaal dhexmaray askar Kenyan ah iyo Al-shabaab.

Dhanka kale, Sheekh Abuu-Muscab wuxuu sheegay in dagaal kale ay kula galeen xoogaggooda kuwa AMISOM deegaannada Leego iyo Yaaq-bari-weyne oo ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose isagoo sheegay inay ku dileen dagaalkaas laba askari.

“Kamiin kale ayay mujaahidiintu u dhigeen ciidamada AMSIOM waxayna ku dileen laba askari, dagaalkaasna ujeedkii laga lahaa waa laga gaaray,” ayuu yiri afhayeenka howgallada ee Al-shabaab Sheekh C/casiis Abuu-Muscab oo la hadlayay idaacadda Andulus.

Inkastoo aysan jirin war ku saabsan dagaalkan oo kasoo baxay AMISOM ayaa haddana afhayeenka u hadlay Al-shabaab uusan sheegin khasaare kasoo gaartay dhankooda dagaalka ka dhacay gobolka Shabeellada Hoose.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya