4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 24, 2013
Dowladda Itoobiya oo sheegtay inay sida ugu dhaqsiyaha badan ula baxayso Ciidamadeeda ku sugan Soomaaliya
Arbaco, Abriil 24, 2013 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha Itoobiya, Hailemariam Desalegn ayaa sheagay in ciidamadiisa ku sugan Soomaaliya uu sida ugu dhaqsiyaha badan ula bixi doono, isagoo sheegay inay daahsadeen in ciidamada AMSIOM iyo kuwa dowladda Soomaaiya ay la wareegaan deegaannada ay ciidamadiisu u sugan yihiin.

Itoobiya ayaa markii ugu horreysay soo dirtay Soomaaliya sannadkii 2006 iyadoo kala baxday sannadkii 2009 markaasoo ay la dagaalamaysay maxkamadihii Islaamka, mar kale ayay go’aansatay inay kusoo laabato sannadkii 2011 markaasoo ay furtay aag saddexaad oo lagala dagaaamayo xoogagga Al-shabaab.

Sannadkii hore ayay xukuumadda Itoobiya sheegtay in ciidamadeedu ay sii joogi doonaan Soomaaliya tan iyo dowladda Soomaaliya xoogaysanayso, ciidamadeeduna ay ka awoodayaan inay iska difaacaan xogagga Al-shabaab oo dagaal kula jira.

Bishii lasoo dhaafayay ayay ciidamada Itoobiya si lama filaan ah uga baxeen degmada Xudur ee gobolka Bakool oo ay muddo sannad ah ku sugnaayeen; halkaas oo ay dib u qabsatay Al-shabaab.

“Dhowr jeer ayay ciidamada AMISOM naga dalbadeen inaan gaarsiino inta ay kala wareeayaan gacan ku haynta deegaannada aan ku sugannahay, balse dib u dhacyo ayaa ku yimid waxayna qaadatay sannad, marka innaga waan la baxaynaa ciidamadeenna,” ayuu yiri Hailemariam Desalegn oo bishii September ee sannadkii la wareegay xilka ra’iisu wasaarenimo ee Itoobiya, kaddib markii uu dhintay ra’iisul wasaarihii ka horreeyay ee Miles Zenawi.

“Go’aankeennu waa inaan si buuxda ciidamadeenna ugala baxno Soomaaliya si ay u difaacaan xuduudaha dalkeenna; taasina waa midda keliya ee aan ku kalsoonnahay,” ayuu yiri Dealegn.

Shan dal oo Afrikaan ah ayaa u soo diray Soomaaliya ciidammo dowladda ka caawiya dagaalka ay kula jirto Al-shabaab oo sannado isku dayaysay inay xukunka ka tuurto dowladihii KMG ahaa ee dalka soo maray, waxaana ciidamadaas ka mid ah kuwo dalka Jabuuti ka socda oo ciidamada Itoobiya kala wareegay gacan ku haynta degmada Baladweye ee gobolka Hiiraan.

Ciidamada Itoobiya kama mid ah AMISOM, waxayna ku sugan yihiin gobollo badan oo ku yaala xuduudda ay wadaagaan Soomaaliya iyo Itoobiya, waxaase Desalegn uu muujiyay walaalaha uu dalkiisu ka qabo dagaallada Al-shabaab ay weli ka waddo gudaha Soomaaliya.

Maxmed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected] 
Muqdisho, Soomaaliya