4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 23, 2012
Ergayga Midowga Yurub ee Arrimaha Soomaaliya oo kulan la yeeshay Madaxweynaha iyo Shir-guddoonka Golaha Wakiiladda Somaliland
Axad, September 23, 2012 (HOL) — Wefti uu hoggaaminayo ergayga cusub ee Midowga Yurub u fadhiyi doona magaalada Muqdisho ayaa booqasho ku yimid magaalada Hargeysa, kaasoo la kulmay madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siillanayo) iyo shir-guddoonka golaha wakiillada Somaliland.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Maxamed Cabdilaahi Cumar ayaa sheegay inay ergayga ka wada hadleen mashaariicda midowga yurub ka waddo dalka iyo iskaashiga ka dhexeeya labadda, isagoo tilmaamay inay gacan weyn ka gaystaan arrimaha doorashooyinka.

“Waxa laga wada hadlay iskaashiga ka dhexeeya ururka Midowga Yurub iyo Somaliland, haddii ay noqon lahayn iskaashiga xagga biyaha iyo mashaariic faro badan oo Midowga Yurub ka caawiyo Somaliland, waxa kale oo ay ka wada hadleen doorashada deegaanka iyo doorka wanaagsan ee beesha caalamka, khaasatan Midowga Yurub uu ka qaato,” ayuu yidhi wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland oo ka hadlayey waxay ka wada hadleen wakiilka midowga yurub u qaabilsan Soomaaliya.

Ergayga Midowga Yurub ee arimaha Soomaaliya Michele Cervone  oo isna  sheegay inay sii wadayaan iskaashiga midowga yurub iyo Somaliland ka dhexeeya, kaas oo hawlo badan oo horumarin ah ka wadaan Somaliland.

“Waxaan kasoo duulay Muqdisho, si aan u balan-qaado in Midowga Yurub sii wadayo  wada shaqayntii iyo iskaashigii Somaliland ka dhexeeyey, waxaanay Somaliland ka mid tahay meelaha horumarka ay ka waddo midowga Yurub”ayuu yidhi safiirka u fadhiyi Doono midowga yurub Soomaaliya Mr: Michele Cervone.

Dhinaca kalena, weftiga Ergayga Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Michele Cervone ayaa kulan la yeeshay Golaha Wakiilada ee Somaliland, waxaanay sheegeen inay ka wada hadleen kaalinta uu midowga Yurub ka qaato kobcinta hanaanka dimuquraadiyadeed ee Somaliland iyo sidii ay u xoojin lahaayeen Mashaariicda horumarineed ee ay Somaliland ka fulinayaan.

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada ee Somaliland Mudane C/raxmaan Maxamed C/Laahi (Cirro) ayaa sheegay inay ka wada hadleen Ergaygan iyo Weftigiisa sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga u dhexeeya Somaliland iyo Midowga Yurub iyo sidii ay u kordhin lahaayeen mashaariicda ay ka wadaan Somaliland.

Gudoomiyuhu wuxuu xusay inuu Ergaygu u cadeeyay, in lacag dhan Konton Milyan oo Yuuroo, ay Midowga Yurub ka fulin doonaan Somaliland, kuwaas ay wax kaga qaban doonaan Kaabayaasha Nolosha sida Caafimaadka, Wadooyinka iyo Biyaha.

Ergaygan ururka midowga Yurub u qaabilsanaan doona Soomaaliya ayaa shalay  kulan la yeeshay madaxweyne Md: Xasan Sheekh Maxamuud, waxaanu sheegay inuu wax badan ka qaban doono baahiyaha ka jira magaaladda Muqdisho, kaalinna ka qaadan doonaan dib u habaynta hay’adihhii dalka ee burburay.
 
Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online  
[email protected]
Hargeysa, Somaliland