4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 23, 2012
Dagaal culus oo goor-dhawayd ka Qarxay Deegaanka Janaay-Cabdalle oo galbeed kaga beegan Magaalada Kismaayo
Axad, September 23, 2012 (HOL) — Dagaal culus oo u dhexeeyo ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa Kenya iyo Xarakada Al-shabaab ayaa goor-dhawayd ka qarxay deegaanka Janaa cabdalle oo 60 KM dhanka galbeed kaga began magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka jubada Hoose.

Dagaalkan ayaa yimid kadib markii xoogagga Al-shabaab oo maalmihii ugu danbeeyay gurmadyo kala duwan u dirayay jiidda hore ee dagaalka ay weerar ku qaadeen saldhig ay ciidamada huwanta ah ku lahaayeen duleedka deegaankaasi waxaana halkaasi ka qarxay dagaal culus oo dhinacyadu isu adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan.

Wararka aynu ka heleyno deegaanada ku dhow dhow halka uu dagaalka ka qarxay ayaa sheegaya in dagaalka u dhexeeya labada dhinac ee ka qarxay deegaanka Janaa Cabdalle ama Birta Dheer uu yahay mid xooggan.

Dagaalkan ayaa kusoo beegmaya xilli mudooyinkii u danbeeyay ay gobolka jubada hoose ka jireen xiisado dagaal oo u dhexeeya ciidamada huwanta ah iyo Al-shabaab, waxaana xiisadahaasi ay sababeen in boqollaal qoys ay ka barakacaan deegaanadooda.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya