4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 23, 2012
Al-shabaab oo sheegatay dil Mudane Baarlamaanka ka tirsan loogu geystay Muqdisho, iyagoo u hanjabay Xildhibaannada kale
Axad, September 23, 2012 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa sheegtay inay ka dambeysay dil mudane ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya loogu geystay xalay degmada Waaberi ee gobolka Banaadir, kaddib markii ay dabley bastoolado ku hubeysan ay gurigiisa ku weerareen.

Mudanahan oo lagu magacaabi jiray Mustaf Xaaji Maxamed ayaa waxaa maanta lagu aasay qubuuraha Sheekh Suufi oo ku dhow madaxtooyada Soomaaliya, iyadoo ay aaskiisa ka qaybgaleen guddoomiyaha baarlamaanka, Prof. Maxamed Jawaari iyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed oo uu dhalay mid ka mid ah xaasaskiisa.

"Xildhibaannada baarlamaanka horay ayaa digniino u siinnay, waxaana uga dignay inay ka mid noqdaan baarlamaanka," ayuu yiri Sheekh C/casiis Abuu-Muscab oo ah afhayeenka howgallada ee Al-shabaab oo la hadlay wakaaladda wararka Reuters.

Kooxihii geystay dilka mudanahan ayaa baxaday, iyadoo ciidamada dowladda ay tan iyo xalay howgallo ka wadeen Muqdisho, kaasoo ay kaga jawaabayeen falal kasoo horjeeda ammaanka oo dhowr jeer Muqdisho ka dhacay labadii toddobaad ee ugu dambeeyay.

"Innaga ayaa dilnay xildhibaan Mustaf... Waxaana naga go'an inaan tooganno iyo saraakiisha dowladda," ayuu yiri Abuu-Muscab. Isagoo xusay in xoogag iyaga ka amar-qaata ay ku sugan yihiin xarunta Soomaaliya ee Muqdisho.

Xarakada Al-shabaab ayaa weli gacanta ku haysa dhul ballaaran oo Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya ku yaalla, waxaana dilka mudanahan uu kusoo beegmayaa iyadoo muddo bil ah ay kasoo wareegtay markii la dhaariyay xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya