4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 23, 2012
Kooxo Bastoolado ku hubeysan oo Maanta Degmada Huriwaa ee Gobolka Banaadir ku dilay laba wiil oo dhallinyaro ah
Axad, September 23, 2012 (HOL) — Kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa xaafadda Suuqa Xoolaha ee degmada Huriwaa ku toogtay laba wiil oo dhallinyaro ah, kuwaas oo aan la garanayn sababta loo dilay iyo cidda dilkooda ka dambeysa.

Goobjoogayaal ku sugan xaafadda Suuqa Xoolaha ayaa saxaafadda sheegay inay dilkan geysteen saddex dhallinyaro ah oo bastoolado ku hubeysan, kuwaasoo markii ay dilka fuliyeen goobta ka baxsaday.

"Dilku wuxuu noola muuqday mid qorsheysan, ma garan karno cidda ka dambeysay, balse waxaa dilka geystay dhallinyaro bastoolado ku hubeysan," ayay tiri Nuuro Cali oo ka mid ah dadka deegaanka, iyadoo intaas ku dartay in ciidammo fara badan ay degmadaas ku faafeen dilka kaddib.

Ciidamada dowladda ayaa qabqabtay dhallinyaro badan kaddib baaritaanno ay ka sameeyeen xaafaddii uu dilku ka dhacay, iyadoo tani ay qayb ka noqonayso dilalka qorsheysan ee ka dhacaya Muqdisho, kuwaasoo u muuqda inay soo kordhayaan.

"Wiilasha la dilay way isla socdeen, waxaana loo toogtay si lama filaan ah," ayuu yiri Cabdulle Muuse oo ka mid ah dadka deegaanka, isagoo sheegay inuu ku sugnaa meel ku dhow halka wiilashan lagu dilay.

Labadii toddobaad ee ugu dambeeyay waxaa degmooyinka Muqdisho ka dhacayay dilal qorsheysan oo ay geysanayaan rag bastoolado ku hubeysan, iyadoo dilalkaas qaarkood ay sheegatay Al-shabaab, sida dilkii xalay loo geystay xildhibaankii ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Degmada Huriwaa oo dhinaca Waqooyi ee Muqdisho ku taalla ayaa waxaa tan iyo markii ay Al-shabaab ka baxday ka dhacayay dilal qorsheysan oo ay geysanayaan rag bastoolado ku hubeysan, iyadoo Al-shabaab ay sheegatay qaar ka mid ah dilalkii ka dhacay xaafadda Suuqa Xoolaha.

Saraakiisha ciidamada ammaanka dowladda Soomaaliya iyo saraakiisha AMSIOM ayaa sheegaya inay sugi doonaan ammaanka magaalada Muqdisho, iyadoo ciidamada ammaanka dowladdu ay xalay howgallo dad badan lagu soo qabqabtay ka billaabay degmooyin ka tirsan Muqdisho.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya