4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 23, 2012
Howgallo dad badan lagu qab-qabtay oo Ciidamada Ammaanka Dowladdu ay xalay ka sameeyeen Degmooyin ka tirsan Muqdisho

Axad, September 23, 2012 (HOL) — Howlgallo lagu soo qabqabtay dad fara badan ayay cidamada amaanka dowladdu xalay ka sameeyeen degmooyinka, Waaberi, Hodan iyo Wadajir, iyadoo ciidamadu ay baaritaanno ku sameynayeen guryaha iyo gaadiidka.

Inkastoo saraakiisha howlgallada hoggaaminayay ay ka gaabsadeen inay ka hadlaan tirada dadka ay kusoo qabqabteen howgallada iyo tuhunnada ay ka qabaan ayaa haddana waxay sheegeen in howgalladu ay ahaayeen kuwo ammaanka lagu sugayay.

"Howgalladan waxay ahaayeen kuwo ammaanka lagu xaqiijinayay wayna socon doonaan inta ammaanka caasimadda laga adkeynayo," ayuu yiri sarkaal ka mid ahaa kuwii hoggaaminayay howlgallada, kasoo diiday inuu magaciisa sheego.

Muqdisho ayaa waxay toddobaadyadii ugu dambeeyay ahayd mid uu ammaankeedu fara kasii baxayay, iyadoo ay ka dhacayeen qaraxyo ay dad badan ku dhigeen iyo dilal qorsheysan oo kuwii ugu dambeeyay ay dhaceen laguna dilay xildhibaan iyo haweeney ganacsato ahayd.

Goobjoogayaal ku sugan degmooyinka howgallada laga sameeyay ayaa sheegay in ciidamadu ay galayeen goobo gaar ah, ayna sidoo kale baaritaanno ku sameynayeen gaadiidka dadweynaha iyo kuwa gaarka loo leeyahay.

Waa markii ugu horreysay oo tan iyo markii la doortay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya howgallo noocan oo kale ah laga sameeyo Muqdisho, iyadoo lagu waddo in maanta ay saraakiisha ciidamadu ka warbixiyaan howgalladii xalay la sameeyay.

Xaaladda Muqdisho ayaa saakay daggan, iyadoo guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Prof. Jawaari uu sheegay in dilka mudanaha loo geystay uusan ahayn mid ka horjoogsan doona howlahooda.

Mudanaha la dilay ayaa wuxuu sodog u ahaa madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, iyadoo mas'uuliyadda dilkiisa ay sheegatay Al-shabaab oo ku sheegay inuu ahaa farriin ay u dirayaan xildhibaannada kale ee baarlamaanka.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya